Timirtii Horeba Dabloowaa

Waxaa shalay lagu doortay Magaalada Kismaayo Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland kaasoo la sheegay in loo doortay Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo horay u ahaa Guddoomiyihii Maamulkii KMG ahaa iyo sidoo kale Hogaamiyaha Jabhadda Raaskambooni.
Doorashada Axmed Madoobe kadib waxaa dhankiisa sheegay isna in loo doortay Madaxwaynaa Maamulka Jubbaland Coll Barre Aadan Shirre (Hiiraale) oo horay u ahaa Guddoomiyihi Maamulkii Doxa Jubba ee Maamuli jiray Kismaayo sanado ka hor.
Hadaba waxaa arintaasi ka hadlay Madaxwaynaha Mamulka Jubbaland dhankiisa sheegta Axmed Faarax Ducaale oo isagoo ku sugan dalka Denmark la hadlay Warbaahinta, ayaa waxaa uu sheegay doorashadii Kismayo ka dhacday inay ahayd mid baadil ah oo aysan waxba ka jirin isla markaana dadka lagu marin habaabinayo uuna isagu yahay madaxwaynaha sharciga ah ee maamul goboleedka jubbaland

Shabakada baargaal.net
Developed by Jago Desain