Al-Shabaab oo nin ay sixiroole ku eedeysay ku dishay Kamsuuma

Maleeshiyada al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubadda Hoose ku dishay nin ay ku eedeysay in uu sixiroole ahaa.

Ninka la dilay ayaa da'diisa lagu sheegay 50 jir, waxaana ay maleeshiyadu sheegtay in uu dilay 10 qof oo dilkooda uu u adeegsadaysixir, isagoo isticmaalaya masas iyo yaxaas.

Goob-joogayaal ku sugnaa goobta lagu dilayay ninkan, codsadayna in aan magacyadooda la adeegsadan ayaa warbaahinta u sheegay dhacdada,iyagoo tilmaamay in lagusoo khasbay ka qeybgalka fagaaraha lagudilayay ninka

Maxkamadda al Shabaab ee gobollada jubooyinka ayaa xukunka ku dhawaaqday. Ma aha markii ugu horreysay oo kooxda al Shabaab ay disho nin ay ku eedaynayso in uu sixiroole ahaa.

Deegaanka Kamsuuma waxa uu 90 km waqooyi bari ka xigaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Shabakada baargaal.net
Wararka arimaha bulshada
Developed by Jago Desain