Faleenka iyo xabkaha

Faleenka iyo xabkaha waxay ka mid yihiin qaybaha waxsoosaar ee uu ku dhisan yahay habka dhaqan dhaqaale ee Puntland, iyadoo noocyada kala duwan ee ay kulminayaan labadan magac ay soomaalidu ku caan ahayd kumanaal sano iyadoo xiriir ganacsi kala dhexeeyay ilbaxnimooyin hore sida tii qibdiyiinta.

Waxay taariikhdu sheegtaa in dhulka Soomaalida loo aqoon jiray dhulkii uduga iyo Ilaahyada iyadoo macnaha Puntland la tilmaamo inuu ka soo jeedo macnahaasi.
Waxaa xusid mudan safaradii boqoradii masartii hore ee Xatsabshut oo muhimada ugu wayni ahayd ganacsiga ay la lahaayeen dhulkii uduga, halkaas oo ay ka qaadan jireen bukhuurka oo muhimad wayn u lahaa waqtigaasi faraacinada.

Xabkaha iyo faleenka oo ah dheecaan dareer ah oo ay keento geedka oo la diiro(sarco) ama iskii u sii daaya (xusul)ayaa waxa shaqo ka hela kumaan kun oo soomaali ah oo ama ururiya ama sarca(shaqo socota mudo 3bilood(beeyada oo kale) ama sanad iyo ka badan(maydiga oo kale);(xusul….bixid aan la sarcin)

Ganacsatada ayaa ka dib ururiya, sifeeya(nadiifin), kala saara ka dibna dhoofiya iyadoo ay ka soo noqoto lacag adag oo wax ku ool u ah dhaqaalaha Puntland.

Noocyada ugu muhimsan waxaa ka mid ah: Maydiga ,beeyada, malmalka(mure),falaxfalaxda, murkudda,qaroonta iyo xabagmacaanta oo noocyo badan.

Ka ganacsiga ka sokow soomaalidu noocyada kala duwan ee xabkaha waxay u isticmaali jireen siyaabo kala duwan oo ay ugu muhimsanaayeen:

1. Cunto ahaan.
Noocyo badan oo xabag macaanta ah ayaa la tilmaamaa inay ahaayeen cunto muhim ah oo lagu xisaabtamo sida cadaada, xankookibka , jeerinka,iwm.
2. Daawo ahaan.
Soomaalidu waxay isku daawayn jireen ilaa hadana wax ka jiraan dhirtaguud ahaan.waxana safka hore ku jira noocyada xabkaha ee beeyada,malmalka iyo hadiga.waxa kale oo ay u isticmaalaan geedka moxorka iyo luufoodka nadiifinta biyaha, maydiga waxaa loo isticmaalaa
xanjo ahaan
taasoo muhim u ah adkaynta ilkaha iyo baabi'inta urka afka .
3. Dhinaca uduga.
Fooxa oo laga saaro beeyada iyo maydiga waxa lagu udgiyaa guryaha iyo goobaha cibaadadaba waana isticmaal ilaa hada jira.

Maxaa loo isticmaala faleenka iyo xabkaha.
Guud ahaan noocyda kala duwan ee xabkaha iyo faleenka waxa isticmaala warshadaha sameeya uduga walxaha la isku qurxiyo daawooyinka ,cuntooyinka qasacadaysan, koolada,khadka madbacadaha , dharka iyo waxyaabo kale oo farabadan;taasoo tusinaysa muhimada ay leeyihiin iyadoo noocyadan kala duwani yihiin alaabta ceeriin ee warshadahaasu aanay ka maarmi Karin.

Xagee laga helaa faleenka iyo xabkaha.

Faleenka iyo xabkaha guud ahaan waxa la sheegaa in ay juqraafi ahaan ka baxaan dhulka safaanaha ah ee saxaare xigeenka ah;waxaana la hubaa in noocyo badan oo ka mid ah oo kala duwan laga helo ka soo bilow Senigaal ilaa Afqaanistaan; waxaase hubaal ah in Maydiga uu u gaar yahay dhulka somaalida gaar ahaan gobolada Bari iyo Sanaag ee ku teedsan buuraha goolis ee kulaala badyarada khaliijka cadmeed; intaas waxa dheer beeyada oo laga helo soomaaliya ka sokow wadamada Yaman,Cumaan , iyo Ethopia.

Muhimada dhaqaale ee faleenka iyoxabkaha.

Faleenka iyo xabkaha waxa ay kaalin muhim ah kaga jiraan dhaqaalaha guud ahaan Somaliya gaar ahaan Puntland oo laga helo noocyada ugu qaalisan oo uu ugu horeeyo maydiga.Inkastoo aan lahayn qadar xadidan,
hadana waxa ka soo xerooda maydiga iyo beeyada lacag adag oo farabadan oo lagu qiyaaso ilaa 30 milyan oo doolar sanadkii. Waxa shaqo ka hela dhalinyaro farabadan oo ah kuwa ururiya ama sarca oo noloshooda iyo tan qoysaskooda ka maareeya dakhliga ay ka helaan,iyo waliba dad kale oo farabadan oo ka shaqaysta kala gudbinta safaynta xamaalka iyo raridaba.

Sidee loo horumarin karaa faleenka iyo xabkaha.

Marka laga hadlayo horumarinta xubintan muhimka ah ee waxsoosaar waxa haboon in la fiiriyo horumarinta bulshada, degaanka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo suuqgaynta oo intuba u baahan in wax laga qabto loona sameeyo qorshe dhow iyo mid dheersi loo horumariyo heerka nololeed ee bulshada.

Qorshaha dhow waxa ka mid noqon kara :

• In la hagaajiyo wadooyinka si loogu sahlo isu socodka iyadoo badanaa maydigu ka baxo buuralayda.
• Biyaha ayaa iyana u baahan in wax laga qabto si loo fududeeyo nolosha dadka ka shaqeysta sarcida maydiga, beeyada iyo xabkaha.
• Suuq gaynta iyadoo xooga la saarayo in la gaaro cida ugu danbaysa ee isticmaasha sida warshadaha u isticmaala alaab ceeriin ahaan .
• Arimaha bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka si dadka ka shaqaystaa aanay ugu soo wareegin magaalooyinka waawayn oo badanaa baahiyahan dartood loo soo raaco .

Gabagaba ahaan xubintan wax soo saar waa mid muhim ah, taariikh fogna leh; hadii la hormariyana keeni karta isbedel iyo kor u kac heerka nolosha bulshada .

Diyaarin: Maxamed Muuse axmad
Maamuus@hotmail.com

Faafin: Shabakada Baargaal.net
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain