Machadka Barashada xirfadaha ee New generation xaruntiisa Baargaal oo maantay si rasmi ah loo furay [ sawiro ]

Munaasabad Kooban oo ay ka soo qayb galeen Muumulka ,odayaasha ,waxgaradka culamaaudiinka , ganacsatada iyo ururada bulshada deegaanka ayaa waxaa Maanaty Magaalada Baargaal Si rasmi ah looga furay Machadka Barashada xirfadaha ee New generation

Munaasabada oo lagu qabtay Xarunta Iskoolka Hoose Dhexe sare ee Degmada Baargaal ayaa waxaa ugu horayntii Ka hadlay Maamulaha guud ee machadka Tababarka xirfadaha New generation Engineer Feysal Cabdi Cartan oo ku dheeraaday wax yaabiihii uu soo qabtay Machadka New Generation intuu shaqada waday deegaamada Puntland sida asaaskii Boosaso , carmo , qardho , garoowe . jalam , burtinle xarfo bacadwayn galkacayo , bursaalax maanatyna la furay Xaruntii Baargaal

Mudane Feysal Cabdi Cartan ayaa sidoo kale ka Hadlay tayada waxbarashada ay hayaan oo uu ku tilmaamay mid aad u tayeeysan sida ardayga oo la garsiinaayo isagoo indhaha ka xiran inuu qaraaco keyboardka iyo xirfado kale oo badan sida Barashada Korontada Saxaafada , barashada Kharqaanka , barashada qurxinta haweenka iyo cilaan saarka , barashada dhar kariska , barashada cunta kariska ( cuntada caalamka ) iyo kuwa kale oo badan asagoo xusay in machadka intuu shaqada waday abaal marin heer caalami ah ku qaatay xirfad barista dhalinyarada soomaaliyeed Mudane Faysal Cabdi Caryan Ayaa sidoo kale xusay in Ardayda ka qalanjabisay macadka New generation ay dhan yihiin 12150 arday dhamaan deegaanada kor ku xusan

waxaa kaloo ka hadlay xaflada furitaanka Machadka Barashada xirfadaha ee New generation gudoomiyaha degmada Baargaal Mudane axmed maxamuud Yuusuf ( Axmed Guray ) oo aad usoo dhaweeyay furitaanka xarunta Baargaal kuna tilmaamay fursad taariikhi ah oo soo martay dadka deegaanka Baargaal , kuna booriyay dhalinyarada inay ka faaiidaystaan fursadan



Maxamed Ibraahim Axmed
Baargaal
Developed by Jago Desain