Posts

Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay Madaxweyne Ku xigeenka Kenya iyo wafuud Kale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan
Sheekh Maxamud oo ka
qeybgalaya shirka TICAD V ee ka socda magaalada Yokohama ee dalka Japan
ayaa waxuu kulamo gooni
gooni ah la yeeshey
mas'uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweyne Ku xigeenka Kenya, Madaxa
Bankiga Adduunka, Madaxa UNICEF, iyo mas'uuliyiin kale.

Waxaa maanta magaalada
Yokohama ka furmay shirkii
caalamiga ahaa ee TICAD kiisa
shanaad oo ay madaxda
dalalka Africa uga
qeybgalayeen. Shirkan ayaa Dowladda Japan 5tii sanaba mar u qabata
dalalka Africa
iyadoo lagu xoojinayo xiriirka Africa iyo Japan

Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan
Sheekh Maxamud ayaa kulan
gaar ah la qaatay Madaxweyne
ku xigeenka Kenya Willaim Ruto oo ay ka wada hadleen
arrimo dhowr ah oo ay ka mid
yihiin arrimaha qaxootiga,
Kismaayo, iyo arrimaha
amniga. Labada mas'uul ayaa
si wanaagsan isagu afgartay dhammaan arrimihii ay ka
wada hadleen iskuna raacay in
shir caalami ah lagu qabto
Nairobi oo ay labada
dowladood iyo Qaramada
Midoobey wada shir guddoominayaan iyadoo looga
hadlayo sidii Soomaalida
qaxootiga ku jooga Kenya ay
dalkoodii hooyo dib ugu soo
laaban lahaayeen iyadoo
Qaramada Midoobey laga sugayo inay qaxootigaas nolol
wanaagsan ugu sameeyaan
dalka gudihiisa. Labada
mas'uul waxey ka wada
hadleen oo kale arrimaha
Kismaayo oo labada Wasiir Arrimo Dibedeed ay Nairobi ku
hareen si ay isula meel
dhigaan arrimaha amniga
xuduudaha. Labada Wasiir
(Fowzia iyo Amina) ayaa
maanta shir jar'aaid ku wada qabtay Nairobi soona
bandhigay in labada
dowladood ay isku raaceen in
guddi wadajir ah ay ka wada
shaqeeyaan sidii arrimaha
amniga xuduudaha xal waara loogu heli lahaa iyo soo
xoojinta xiriirka taariikhiga ah
ee labada dal. Waxaana la
rajeynayaa in labada
madaxweyne ay dhowaan
kulmaan si loo sii ambaqaado kulamadoodi hore ee Addis
Ababa iyo Mombasa. Madaxweynaha ayaa sidoo
kale kulamo gaar gaar a la
yeeshay madaxa Bankiga
Aduunka Jim Yong Kim oo ay
ka wada hadleen arrimo ay ka
mid ahaayeen sidii Bankiga Adduunka uu Soomaaliya uga
saacidi lahaa maamulka iyo
maareynta maaliyadda, sidii
Somalia deymaha lagu
leeyahay looga cafin lahaa si
shacabka Soomaaliyeed ay u helaan mashaariic
horumarineed oo uu bankiga
Adduunka hirgeliyo. Ugu danbeyntii
Madaxweynaha Somalia
waxuu kulan la qaatay
Anthony Lake, Madaxa UNICEF
iyo Erthurin Cousin, oo ah
madaxa WFP. Madaxweynahu waxuu kala hadlay sidii
hay'adahaas ay si toos ah ula shaqeyn lahaayeen dowladda
iyo qeybaheeda kala duwan. Xigasho: Xafiiska
Madaxweynaha DFS
Developed by Jago Desain