Nin somali ah oo isku diley dalka talyaniga

Muwaadin Somaliyeed ayaa iskasoo tuuray dabaq ku yaalla magaalada Firenze gobolka Florence ee dalka Italy maalinimadii shalay.


Marxuumka Geeriyooday oo 31 sanojir ah ayaa waxa lagu magacaaba Mohamed mohamud Osman waxayna wararka sheegayaan sababaha ka danbaysay inuu iskasoo tuuro dabaqa oo ah kadib markii uu ka dhacay sharcigii uu ku joogay dalka Talyaaniga kadibna sagaal bilood uu ahaa qof aan haysanin sharci markuu dalbadaynaloo sheegay in ay soo wici doonaan balse uu ku daalay siduu u daba taagnaa.


Dhalinyaro Somali ah oo la daganaa Marxuumka geeriyooday ayaa waxa ay wareysi siiyeen Wargeyska madaniga ah La Nazione Firenze waxayna uga warbixiyeen xaalada Marxuumka oo mudooyinkan dambe isla sheekeysanayay maadama ayay yirahdeen noloshiina ay ku adkaatay sharcina uusan ku haysanin.


Waxaa durbadiiba goobta gaaray Ambalaas iyo Mas'uuliyiin ay kamid tahay Wasiirada Wasaarada ishexgalka Cecile Kyenge oo ah haweeneydii ugu horeeysay oo madow ee ka qayb gasha siyaasadadalka Italy waxayna halkaasi ka sheegtay in ay tahay sumcad xumo iyo damiir la,aan qof qaxooti ah in lagu dhibo sharci cusboneysiin isla markaana aan haysanin nolol wanaagsan waxayna sidoo kale carabka ku dhufatay in dhawaan ay heli doonaan dhamaan inta sharciyada lagu dhibay iyo nolosha ay xaqa u leeyihiin.


Waxaa goobta soo dhoobtay dhalinyaro fara badan oo u diiday Ambalaasta inay qaado meydka Marxuumka ilaa uu kaga yimaado gudoomiyaha jaaliyada Somalida ee Firenze oo magaciisa lagu sheegay Osman Gaal, isagoo ugu danbeyntii goobta uu ka dhacay falka gaaray ayaa waxa uusuurta gashay Ambalaasta in ay qaadaan Meydka marxuumka Somaliyeed .


Ku dhawaad 50 ruux ayay ku Dagan yihiin dhalinyaro Somaliyed guri weyn oo ay ku shaqan jirtay hay'adda Red Cross wargayska ayaawuxuu tilmaamay in dhamaan adeegii bulshadana aysan ka helin dowladda ay qaxootiga uyihiin.
Si Kastaba ha ahaate Wasiirada Cecile Kyenge ayaa wargeyska La Nazione Fireze uga warbixisay in aytahay lagama maarmaan sidii ay kuheli lahaayeen nolshooda dhabta dadka qaxootiga ah oo aan ku haysanin dalka Talyaaniga wax nolol ah.

Shabakada baargaal.net
Developed by Jago Desain