SHEEKADII "SULUX IYO SAAXIIBTIMO AYAA SEEF KASTA KA WANAAGSAN"

SHEEKADII "SULUX IYO SAAXIIBTIMO AYAA SEEF KASTA KA WANAAGSAN"
Siyaasadda suluxa iyo saaxiibtinimada soohdin ma leh, waana silaaxa ugu xoog badan
Waabaa degaanada gosha ee ku yaal  koofurta Soomaaliya, ka dacday abaar jiilaal dheere ah. Waxaa guray  laakhyadii iyo dhasheegyadii habar dugaagta biyaha ka cabi jireen, waxaana dhururuq yar oo biyo ah lagu arkaa meelo ka mid ah, webi weynihii Jubba. Xoolihii tabarta yaraa oo idil waa wada dhinteen, waxaana meel walbo daadsanaa  weyddooda iyo khalfoofkooda.
Waxaase duurjoogtii ka haray doofaar dhoomaasha ka qota dhasheegyadii biyaha ka gureen iyo libaax sahal u disha oo dhiigga ka caba xayawaankii abaarta u il darneyd. Dhiig iyo dhoomaal kaliya laguma noolaan karee, waxay waayeen meel ay biyo ka cabaan. Waxay danta bidday, iyagoo aan is ogeen, inay u waraab doontaa Wabigii Jubba, oo saddex habeen khad u jira. Wuxuu mid walba gaarkiis u socdaba, wuxuu kaliil iyo kuleyl u adkeystaba, wuxuu qoobabkii iyo cagihii qodxo jiiraanba, waxay isku arkeen heledii Baardheere oo washaaqadeeda biyo ku jiraan.
Waa libaaxii qooroweynee markuu arkay doofaarkii oo isna biyihii cabi raba, ayuu wuxuu xooggii ku haray kula dulbooday doofaarka. Nafta orodbay kugu aamintaaye, doofaarkii oo dhan uu u ordo waayey ayaa faantiisa jeeniga midig uga muday libaaxii tabar xumada hore ula tacaalayay. Waatii hore loo yiri: "kawaawo beereyd qofba waa markiisee", doofaarkii naf la caariga ahaa ayaa mar labaad herdiyey libaaxii, libaaxiina xuuxin iyo xagasho isugu daray oo diirdiirtay dusha iyo dhinacyada doofaarkii. Arrintoo car itaabo iyo car itaabo taagan tahay, oonkii saddexda maalmood hayeyna u sii dheer yahay, baa waxay fiirsheen geed weyn oo gebiga wabiga ku yaalay. Waxaaba saaran gorgor weynaaday oo abaar iyo oon moog ah, kana noolaaday raqda xoolaha bakhtiyay, hase yeeshee baryahaan ay yaraadeen xoolihii socod ku soo gaari jiray washaaqadaan.

Markuu arkay libaaxii iyo doofaarkii jugta isku hayo, oo wada dhiigayaan, ayuu qalbiga ka yiri: "Alla kee ugu horeeyaa oo uur ku jirtiisa ka noolaandoontaa?" Marka hore, doofaarka ayuu u maleynayay, hase yeeshee markuu arkay sida loo dooxay jeeniga libaaxa, ayuu hadana isagoo hoos u qoslayo yiri: "Aga, midbaan sugayee, waaba labo si xun u dhiig baxayo. Alla nasiib badniyaa. Yalam yalam. Saraafi Soomaali yalam!"
Libaaxii ay tabar ka taalo, ayaa yiri:
"Ar doofaar, maxaa geedka saran?"

Doofaarkii oo ka cabsanayo in hadalka lagu gaado ayaa yiri: "Nin aad dagto oo dam siiso Eebe hakuu sahlo!"
"Aga, war doqonyahow, doofaarka doofaarka dhalay ah, sow ma aragtid gorgorkaas geerideenna sugayo?"
"Naargale aleenshee! Ay, adi muslin ayte? meelna ma dayow, mana ku dhegeesadow!" ayuu doofaarkii ku qeeliyey.

"Ninba ceesaantiis ceel keenye, war i dhagayse, halkaan labadeenna danbaa na wada keentayee!" ayaa libaaxii ku yiri doofaarkii.

Doofaarkii oo wali ka madax adeegayo hadalka libaaxa ayaa ugu jawaabay, "War ninba kastiisa ayuu kor tagaayee, warka iga daah kaskaaga ayaad ka warantayee!"
"Hoogaa, war xaajo haddaan la rogrogin rag ma helin, war ragbaa Eebe naga dhigay ee..."
Intay sidaas isku heysteen ayaa gorgorkii oo haadaya, labada baal ku dharbaaxay libaaxii, hase yeeshee doofaarkii oo qooq-qooleynaya carradii uu faantiisa ku faaganay kor u seerayo ayaa libaaxii u hiilshay.

Libaaxii oo dhutinayo ayaa markuu guux iyo gurxan isku daray, ayuu u dhaqaaqay dhanka iyo geedkii uu gorgarka saarnaa. Wuxuu ku booday laan geedka ku taalay markaas ayuu riin iyo ruxis isku daray. Gorgorkii ayaa geedkaa ka haaday, kuna degay geed yara ka fog halka ay joogaan.

Libaaxii ayaa doofaarkii ku yiri: "Doofaar, soco oo biyaha cab anigaa gorgorka kaa ilaalinayee."
Doofaarkii oo si taxadir ah u socda, hareerahana iska eegayo, ayaa heladii ku dhacay biyihiina ka dhergay. Doofaarkii oo dhergay ayaa libaaxii ku yiri:
"Anaa haadda kaa ilaalinayee, kaalay biyo cab".

Sidii ayuu libaaxii isna ku biyo cabay. Markii labadaba ay dhargeen ayaa doofaarkii ku yiri: "Libaaxow, dhoomaal ma cuntaa?"
"Maya, ee adiga hilib ma cuntaa?" ayuu libaaxii isna weydiiyey.
"Maya, ee maxaa isku keen diray, oo aan isku dilaynaa?" ayuu doofaarkii yiri.
"Berriga iyo biyaha aan wadaagno, ayaa isku keen diray!" ayaa libaaxii yiri.
Doofaarkii oo xikmad la soo derestay baa talo ahaan ku yiri: "Libaaxow, berriga naga ballaaran, biyahana naga badan, oo waa nagu wada filan yihiin, ee haddaan isdeyno, maxaa ka qabtaa?"

Libaaxii oo qabweynidii lagu yaqaanay wali ku jirto ayaa yiri: "War aniga boqorkii duurjoogta ayaan ahay, ee maxaa talo ah?"
Doofaarkii oo mar labaad libaaxa u caqli celinaya ayaa wuxuu ku yiri: "Ow libaaxow, sulux iyo saaxiibtinimo oo sallax lagu degnaado, ayaa seef kasta ka wanaagsanee, maa suluxa qaadatid, saaxiibtimada haba noo danbeysee?" 

Libaaxii oo dabuubta doofaarka markaan garwaaqsaday ayaa yiri: "Oo haddaan saaxiibno, oo iskaashanno, oo iskaalmeysano, sow kama fiicna, inta aan sullux uun ku ekaan lahayn?"
Wuu sidii rabay doofaarka, wuxuuna isagoo faraxsan ugu jawaabay, "Haa, oo marka aan biyaho soo doonaneyno aan isasoo raacno, oo gorgorka iska difaacno, inta kalena qofba tiisa uu raacdo."
Libaaxii baa markaas  yiri: "Ma kaa wacad iyo waaqbaa?"
Doofaarkiiba isna ugu jawaabay: "Waa iga waaq iyo wagar!"
Halkiibeyna ku saaxiibeen, nabad iyo naruurana ugu wada noolaadeen.
Developed by Jago Desain