Wixii qiso dhacay jacayla Hees qoraal ah Yurub geenyo

Wixii qiso dhacay jacayla Hees qoraal ah Yurub geenyo











Wixii qiso dhacay jacayla waa hees ay qaaday fanaanada codka halaasiga ah ee yurub geenyo   waana ayadoo qoraal ah 

Akhris wacan 

Qaybta 1aad

Markaad tahay ruux qudhayda
Waxay qoonsataba ka dhawra
Waxaan ahay qalooca
Qabyada noloshaada diida
Markaad tahay ruux qalbiga
Qareen u noqdoo daaweeya
Waxaan ahay ruux qadarin
Xurmiyo kuu qaba tixgelin
Wixii qiso dhacay jacayla
Taariikhdu haday qorayso
Qaamuuska kuwii galaynu nahay

Qaybta 2aad

Markaad tahay ruux qumaati
Warkiyo qawlka ii yidhaahda
Waxaan ahay ruux u qaataa
Dhinaca qumaniyo wanaaga
Markaad tahay ruux qamuunyo
Dharaaf qudha aan i badin
Waxaan ahay ruux qorsheeya
Qasdiga libintiyo nolosha
Wixii qiso dhacay jacayla
Taariikhdu haday qorayso
Kuwii galaynu nahay.
Developed by Jago Desain