Xasuus | Abdikadir Juba | Hees Qoraal ah

Xasuus | Abdikadir Juba | Hees Qoraal ah
Heestan waxaa ku luuqeeya fanaanka kaliya ee aan heesihiisa iyo fankiisa jecelahay waa Cabdiqaadir Cumar macalin juba , Heestan magaceedu waa Xusuus , waana hees aniga aan aad u jeclahay Hadaba ila wadaag midhaha macaan ee heestan ku jira
Heesta Xasuus | 

Markaan kugu soo baxee
Bilicda quruxdaadiyo
Bidhaantaada arkaba
Bisinka alifkaan qabtaa
Illaahay waxaan baryaa
Badbaado iyo caafimaad
Inaad ku bariisato.
Boholyow aan qabo
Jacayl igu beeranaa
Caashaqu igu baahsanaa
Xasuusna igu badnaa
Bukaan iyo baanwada
Bixiya lafaha laysku kabo
Bogiyo wadnaha isku yaal
Bidix iyo midig baynu nahay
Developed by Jago Desain