DEG DEG: Puntland oo Sheegtay in ay Fasaxday Shidaalkii ka iman Jiray Dalka yaman


Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay iney dib u fasaxday shidaalkii ka iman jiray dalka Yemen, kaas oo horey ay u joojisay dowladu.

Wasiirka Dekedaha Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Eng Siciid Maxamed Raage oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa shaaciyez iney dib u fasaxeen shidaalka ka iman jiray dalka Yemen. Eng Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in gacasatada reer Puntland laga bilaabo 1-da bishan kala soo degi karaan Dekeda Boosaaso shidaalkooda uga iman jiray dalka Yemen isla markaana ay dowladdu ku gacansiin doonto.

Dowladda Puntland ayaa dhaawaan joojisay shidaalkii ka iman jiray Yemen sababo ay ku sheegtay in doonyaha soo qaaday lagu soo qariyo hub si khalkhal loogu geliyo amaanka guud ee Puntland. Shidaalka ka iman jiray dalka Yemen ayaa qiimo ahaan marka loo fiiriyo kuwa ka yimaada Dubai Iyo Cumaan ka qiima jaban,waxaana ku tiirsanaa dadweyne farabdan

Shabakada Baargaal.net
Baargaal - gobolka gardafu
Developed by Jago Desain