Faarax Dooxajoog: ''Waxaana soo ogaaday in dastuurka federaalka ah ee dalka u yaalay uusan ogolayn in degmooyin noqdaan maamul goboleed''

Eng. Faarax Maxamuud Dooxa-Joog oo sanadkii 2011 kaga dhawaaqay deegaanda calbari maamulkii Raascaseyr State ayaa wareysi yaab leh oo uu siiyey warbaahinta Kismaayo24 ku sheegay inuu ka tanaasulay maamulkii casayrland, oo uu iminka yahay shakisi reer Puntland ah.

Faarax Dooxa Joog ayaa wuxuu kaloo intaas ku daray inuu si weyn u soo dhaweynaayo gobolka cusub ee gardafuul ee loo magacaabay dhulka uu isaga ka soo jeedo

Farax Dooxa-Joog ayaa mar kale wax laga weydiiyey waraysi sanad ka hor uu siiyey bogga K24 waraysigaas oo uu ku sheegay inuu yahay Madaxweynaha Raascaseyr State, haddana uu hadalkiisu u muuqdo nin xilkaasi ka tagay oo Puntland dib ugu noqday.Haddaba maxaa is badelay. Wuxuu DooxaJoog ku jawaabay " Waxaa is badelay dhawaan waxaan tagay Muqdisho. Waxaana soo ogaaday in dastuurka federaalka ah ee dalka u yaalay uusan ogolayn in degmooyin noqdaan maamul goboleed, sidaasi darteed waxaan ku qasbanahay in aan ogolaano in gobol Puntland ah loo magacaabo dhulkaasi, oo waliba ka tisan maamulka Puntland. "

faarax DooxaJoog ayaa ugu danbayntii la weydiiyey inuu dib ugu noqonaayo deegaanada uu kasoo jeedo wuxuuna sheegay inuu dhawaan tagayo si uu uga qeybqaato howlaha ka socda deegaanadaasi.

Waraysiga oo dhamaystiran ka dhagayso halkan hoose

http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/07/K24.mp3
Developed by Jago Desain