Madaxweynaha Jubaland oo booqanaya Puntland

Madaxweynaha jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed-madoobe) ayaa sheegaya in uu beri u ambabixi doona magaalada Gaalkacayo xarunta gobolka Mudug ee maamul goboleedka Puntland.

Safarka Madaxweynaha Jubaland ayaa la sheegay inuu yahay mid uu ku booqan doono dhaawacyadii dagaalkii Kismaayo labada jeer diyaaradda lagu geeyey isbitaalka Gaalkacayo iyo in uu booqan doono magaalada Qardho oo lagu aasayo Boqor Cabdullaahi Boqor. Madaxweynaha jubaland ayaa la kulmi doona madaxda Puntland inta uu joogo halkaas.

Axmed-madoobe madaxweynaha Jubaland waxaa la doortay 15.Mayy 2013 iyadoo ay doorteen Odayaashii dhaqanka beelaha jubaland oo shir uga socday Kismaayo


Shabakada baargaalnet
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain