Reer Baargaal:”Cashuur Bixinmayno Sakadaan Bixinaa !!!”


In muddo ah baa waxaa caajis layga galiyay inaan qoro qormooyin aan ku qaada dhigo Hab dhaqanada (Attitudes) aan haboonay ee Bulshada deegaanka Ka jira ..

Mararka Qaar waxaa ilaawaayay waxaan damacsanaa Inaan Wax Ka Qoro , Laakin Taasi Maaha Ujeedadeena ,, marka akhriste raali ahow hadaad uqaadatay inaan meel kale abbaaray…. Dulucda qormada hada ayaan ugalaynaa

Ma fili karo In dadka dhamaan ay isku si u dhaqmaan , marka waxaa afeef iga ah In aan qormadan cid gooni ah ula jeedin

Waxaa maamul kasta oo Baargaal Ka arimiya ku adkaata ama xujjo ku noqota sidii uu Cashuur uga qaadi lahaa ganacsatada deegaanka .. isku day kastana wuxuu ku dhamaadaa in ugu danbayntii layska dhaafo cashuur uruurinta (immisa jeer ) , Marka Waxay Bulshada Deegaanku u baahanyihiin inay si xeeldheer u fahmaan ujeedada cashuurta loo bixiyo ..

Taas waxaa ii sii dheeraa markaan cashuurta Kala sheekeestay ganacsade bakhaar ku leh magaalada oo hadal yaab leh igu yiri " Anigu Cashuur Bixin mayo oo sakadaan Bixiyaa " taas oo meel kale inna tustay

Marka waxay diinteena macaani ina faraysaa waxa aad shaqaysato oo naftaada iyo qoyska aad masuulka katahay ka soo hara , waxaa ku waajiba sako (Faaiido iyo hantiba) waxaa ka go'ayaa saami cayiman ,     (2.5 %) markuu sanadku dhamaado wuxuuna ku sifoobaa xoolo aadan lahayn inuu ku sii raago gacantaada , diintuna ma banaynayso 

Marka Dad badan oo ganacsatada deegaanka kamid ah ayaa arinta sakada fududaysta , qaarkoodna waxay u qaataan hadaii aanay xoolo nool (geel iyo ari ) ama dahab hayasan inaanay sako ku waajibin ( la xawla wa laa quwata ilaa bilaah ) Sakada oo ah rukun aad loo adkeeyay , kana mid ah afarta rukun ee islaamka aasaaska u ah

Marka Sakada hadii siday tahay reer Baargaal u bixin lahaayeen waxaan hubaa , abaar iyo wax baahan daaye in barwaaqadu xad dhaaf ahaan lahayd , caanaha iyo timirtuna guryaha hortooda warnaan lahaayeen

Baargaal.net
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain