TIX DUCO AH : Maxamuud Siciid Aw Maxamed

TIX DUCO AH : Maxamuud Siciid Aw Maxamed


Tixdan Ducada ah waxa curiyey Maxamuud Siciid Aw maxamad markuu  arkay abaarta iyo dhibka  ka jira Nawaaxiga Baargaal  



Dhulku wuxuu muuna leeyahay markuu doog ka muuqdaaye
Mar haday abaar maraxsato oo meel walbaba gaadho
Mus aboorkubaxay iyo haduu sidii jabo madoobaado
Mawaashiga iyo dadkuba nasray maaligaw sugiye
Mashaqo mid an lahayn iyo murug na soo gaadha
Mirkoo nagu raaga iyo Quluble nagu miisa
Maaligaw ku tuugnaye magey maalin ku ekaya


Murka gurical mareeg iyo carcaro murugyadii xeebta
Marinkii jeceel iyo milxaa Muudiyiyo Noobir
Mashaqo mid an lahayn iyo murug na soo gaadha
Mirkoo nagu raaga iyo Quluble nagu miisa
Maaligaw ku tuugnaye magey maalin ku ekaya


In dhowayd maleecigu mategin madasha coomaayo
Dhirtoo muruxsan goortay arkeen mira laga waayey
Ka majeerte aadnigu oo madaxa loodloodshe
Allaaba waa marti iyo miskiin maalin ku hagaaga
Mulkigeeda kuwii lahaa katage maxabadeediiye
Intaanay madoobaanin oo meesha laga guurin
Mashaqo mid aan lahayn iyo murug na soo gaadha
Mirkoo nagu raaga iyo Quluble nagu miisa
Maaligaw ku tuugnaye magey maalin ku ekaya


Mihim bay ahaayeen biyahoo dhibyari minanka kuu jooga
Milix bay noqdeen iyo sidii maanyo oo kale' e
Caagoo miisa mir iyo maalin miila lagu doono
Dhabarkaa murxay miiskiiniyo danyare oo maaligaw ogide
Mashaqo mid aan lahayn iyo murug na soo gaadha
Mirkoo nagu raaga iyo Quluble nagu miisa
Maaligaw ku tuugnaye magey maalin ku ekaya


Maxamuud Siciid Aw Maxamed

Daabacaad : Shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka Deegaanada Calbari 
Developed by Jago Desain