Warshad Biyaha Sifaysa Oo Laga Hirgeliyay Baargaal


Waxaa Magaaladda Baargaal laga hirgeliyay Warshad Ganacsi oo Biyaha Sifaysa ,biyahaas oo iyagoo sifaysan lagu dhex shubo caagado kala leh qaybo kala duwan iyo baco warshadaysan, warshadaas oo lagu Magacaabo Cirirood pure Water,

warshadan oo ay bulshada deegaanku baahi weyn u qabtay maadaama ayan horay u jirin warshado kale oo farsameeysa biyaha taasoo muujinaysa Horumarka Muuqda oo ay ku talaabsanayso magaalada Baargaal.

Warshadda cusub ee cirirood pure water ayaa waxay bulshada deegaanka ka haqabtirtay baahidii loo qabay biyo macaan oo nadiif ah islamarkaasna aad u qiimo jabban ayadoo horay biyaha sifaysan ee caagadaha laga keeni jiray meelo fogfog.

Qaybaha kala duwan ee Bulshada baargaal ayaa aad u soo dhaweeyay furitaanka warshadan cusub ee biyaha safaysa ayagoo ku tilmaamay horumar dhina adeegyada bulshada

shabakada baargaal.net
isha wararka horumarka deegaanda calbari
Developed by Jago Desain