Posts

Xubin Olombikada gobolka Banaadir katirsan oo xalay lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubaysan ayaa xalay ku dilay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir gudoomiyihii olombikada ee degmadaasi Amiin Cali Mumin.

Marxuumka ayaa lagu toogtay banaanka hoygiisa oo ku yaala xaafadda‏ ‏Dabakaayo Madow ee degmada Dharkenley, waxaaana goobta ka cararay kooxihii dilay marxuumka.

Wararka ayaa sheegaya marxuumka inuu ka mid ahaa ergadii anixisay‏ ‏dastuurka Soomaaliya ee sanadkii hore lagu meelmariyay shirwaynihii‏ ‏ansixinta dastuurka ee lagu qabtayMuqdisho.

Dilalka ayaa magaalada Muqdisho dhowrkii todobaad ee tagay kusoo‏ ‏badnayay, waxaana saraakiisha dowladda ee amniga dhowr jeer ku‏ ‏celceliyeen inay wax ka qaban doonaan amaan xumida jirta inkastoo aan‏ ‏taas wali lagu guulaysan.

shabakada Baargaal.net
News desk
Developed by Jago Desain