Dowlada Puntland oo aqoonsi gaar ah siineysa kaluumeysatada


Sida lagu sheegay warar ka soo baxay wasaaradda kalluumaysiga Puntland waxaa jira qorshayaal Dowladu ku dooneyso inay kaarar aqoonsi ku siiso kaluumeysatada deegaanada Puntland.

C/waaxid Maxamed Xirsi (Joocaar) oo ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda kalluumaysiga Puntland ayaa saxaafada u sheegay inay wadaan qorshe ay ku diiwaan gelinayaan kaluumeysatada ka jilaabatada deegaanada Puntland.

"waxaan rabnaa inaan marka hore diiwana gelino kadibna siino aqoonsi gaar ah dhamaan kaluumeysatada ku sugan deegaanada Puntland"ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradda kalluumaysiga Puntland

Mas'uulkaani mar uu ka hadlayay ujeedooyinka danbe ee qorshahani ayuu xusay inay tahay kaliya si lagu kala saaro burcad baddeeda iyo kaluumeysatada madaama ciidamo shisheeye ay ka howlgalaan badweynta Hindiya iyo kuwa Puntland oo dhamaan ka hawgala magaalooyin xeebeedyada dhanka puntland hoos taga. "waxaan leenahay dhamaan kaluumeysatada waa inay qaataan kaararkaasi aqoonsi si ayan u dhicin in ciidamada NATO ugu qaldaan kuwa burcad badeeda"ayuu mar kale yiri C/waaxid Maxamed Xirsi (Joocaar)

Waxaan wali la sheegin in kaararkaasi aqoonsi ee kaluumaystada inay lacag yihiin ama in lagu siinaayo kaluumaysata si gacan qabad ah

shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka deegaanada Calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain