Posts

Puntland oo qabatay 14 qof oo lagu eedeeyey in ay dadka tahriibiyaan

Ciidmada badda ee maamulka Puntland ayaa qabtay 14 qof oo lagu eedeeyey in ay ka shaqeeyaan tahriibinta dadka Qabashada dadkan ayaa ka dhashay howlgal maalmihii u dambeeyey ay ciidamadu wadeen oo laga sameeyey magaalada Boosaaso iyo deegaanno ka tirsan gobolka Bari.

Dadka la xiray waxaay isugu jiraan kuwa wax tahriibayo, milkiilayaasha Doomaha tahriibka iyo qaar kale oo gacan ka geysta fududeynta iyo hagidda tahriibayaasha sida uu sheegay taliyaha ciidanka badda ee Puntland Gen.Cabdirasaaq Diiriye Faarax.Wuxuu taliyuhu sheegay in maxkamad la soo taagi doono dadka ay qabteen.

Waa markii ugu horeysay oo Puntland ay sameyso hawlgallo ciidan oo lagu bartilmaameedsanayo dadka tahriibka ka shaqeeya, iyadoo ay Puntland ku yaallaan xeebaha ugu badan ee ay ka baxaan dadka tahriiba

Tahriibayaasha ayaa u safro dalalka Yemen iyo Sacuudi Carabiya si ay halkaas nolol wanaagsan uga helaan ayagoo indhaha ka xirta dhibaatooyinka ka soo gaari kara tahriibta.

BAARGAAL NET
isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain