QISO JACEYL : waxaan kaa codsan lahaa inaad ila soo taliso

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Daadir iyo Naciima, Daadir ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid murugo xamabarsan ah.
Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan, halkaasi ayaana kusoo barbaaray, kuna soo wax bartay, isla-markaana gabadha aan ifka ugu jeclaan doono ee Naciima ee waxaanu isla wada degneed degmada Karaan ee gobolka Banaadir.
Naciima waxay kamid ahayd hablaha degmada Kaaraan ee sida gaarka ah ee aan u xiiseen jiray, inkastoo ay dadkaasi oo dhan ay Naciima iga dhaweyd, waxaana jeclaan jiray inaan markasta la-sheekeysto, la-kaftamo, la-qoslo, waayo waxay ahayd gabadha kaliya ee dhex degtay qalbigeyga.
Muddo kadib ayaa waxaan dareemay inaan jaceyl culus u qabo Naciima, hadana waxaan kari waayay inaan u sheegto jaceylka aan u qabo, aniga oo ka baqdin qabay inay igu tiraahdo “Iga Raali Noqo Waxba Kuma Qaban Karaayo, Ama Waxaa Tahay Walaalkey ee iga xishood”, taasi ayaa waxay keentay inaan jaceylkayga sheegan kari waayo.
Waxaan fursad shaqo aan ka hellay dalka Koonfur Afrika oo ay ku noollaayeen wiilal ila dhashay, sidaasi ayaana ku yimid dalka Koonfur Afrika oo aan iminka ka xamaasho, laakiin markaan muddo joogay Koonfur Afrika ayaa waxaan xiriir gaaban aan la-sameeyay Naciima oo iyadu iskaga soo tagtay magaaladda Muqdisho, waxayna markaasi ay ku sugneed magaaladda Nairob ee dalka Kenya.
Xiriirkayna ayaa wuxuu ku dhisnaa Internet iyo Teleefan, hase ahaatee waxaan aad u badiyay xiriirkayni, waxaana muddo kadib aan u soo bandhigay inaan jeclahay, nasiib wanaag waxay igu soo dhaweysay gacmo furan.
Waxaa aniga iyo Naciima inoo bilowday jewi ka duwan kii hore ee baqdinta ku dhisnaa, waxaana kala helnay kalsooni balaaran, waxaan noqonay laba ruux oo ay si weyn iskugu baxdo, waxaana xilliyada qaarkood aan ka sheekeysan jirnay markii aan joognay degmada Kaaraan iyo sida aanu isu xiiseen jirtay.
Naciima waxay noqotay gabadha kaliya ee aan markasta ku taami jiray, ku faani jiray, igu bixi jirtay, waxaana dhihi karaa Naciima waxaa weeye boqoradii dumarka Soomaaliyeed oo idil, waayo waxay igu abuurtay jaceyl igu xidideystay, hase yeeshee maxaa dhacay?.
Aniga iyo iyada oo si weyn isu jaceyl, misena ay isku kaaya baxdo, ayaa waxaan ka war hellay iyadoo si weyn isku badashay, welibana anigoo aan waxba ka sameyn, waxna u dhimin waxna u geysan, waxaan dareemay markasta oo aan teleefanka ka waco in’ay wejiga ii badasho, marka aan rabo inaan la-sheekeysto inay sheekada meel kale u badasho, markaan damco inaan kala hadlo wax-yaabaha aan tabanaayo inaysan waqti i siinin, iyadoo ay sidaasi tahay ayaa waxay bilowday inay teleefanka igu damiso, amaba aysan teleefanka iga qaban.
Waxaan sameeyay talaabo kasta oo aan Naciimo ku qanci karo, ama aan kula hadlo karo, waxaan u diray boqolaal Emailo ah, hase yeeshee ima soo jawaabeyso, intaasi kadib waxaan waayay wado kale oo aan ku hadli karaayo Naciima, hase yeeshee haddii ay fursad ii siin laheyd halmar inaan su’aal weydiiyo, ayaa waxaan weydiin lahaa oo qura “Wax yaabaha keenay inay sidaan ii gashao, amaba ay ila dhaqanto”?
Ilaa iyo hada waxaan isweydiiyaa sababaha ay Naciima sidaani igu galeyso, weliba midda kaliya ee i dhibtay, amaba aan ka jooggi waayi ayaa waxay tahay aniga oo aan waxba ka sameyn, sababaha ay sidaani igu sameyneyso, akhriste dabcan tanoo kale haddii ay kusoo mari laheyd waad dareemi kareysaa, xanuunka ay leedahay, hadaba waxaan kaa codsan lahaa inaad ila soo taliso.

Shabakada Baargaal.net
isha wararka Horumarka Calbari 
Developed by Jago Desain