Posts

Shirkada Microsoft Oo Saamigii Ugu Badnaa Ee Shirkada Telefoonada Nokia 7 Billion Ku Iibsatay


Shirkada ugu balaaran samaynta barnaamijyada kumbuyuutarada dunida ee Microsoft ayaa saamigii ugu badnaa ee shirkada telefoonada gacanta ee Nokia, aduun dhan todoba bilyan iyo laba boqol oo milyan ku iibsatay, waxaanay shirkada Nokia laga bilaabo marka uu heshiiskaasi dhaqan galo noqon doontaa, tan ugu hoosaysa tartanka suuqyada caalamka ee telefoonada Smart-ka loo yaqaano. ( ama caqliga badan)

Inkasta oo sanadkii 2007-dii ay shirkada Nokia ee laga leeyahay dalka Finland ahayd, shirkada dunida ugu horaysa ee suuqyada caalamka kana haystay, boqolkiiba %17, waxa ay saacado ka hor kaalinta ugu hoosaysa ku gashay markii labadamaareeye ee Microsoft Iyo Nokia Stephen Elop iyo Steven A. Ballmer,ay heshiiskaa gaareen.

Dadka reer Finland ayaa si wayn uga xumaaday isla markaana canaan dusha ugala dhacay Maareeyaha shirkada Nokia, Steven A. Ballmer, oo ay warbaahinta dalkaasi ku tilmaantay nin wixii ugu qaalisanaa dalkaas iyo shirkadii ugu waynayd Maraykan ka iibshay.

shabakada baargaal.net
warbixinada suuqyada technologiyada
Developed by Jago Desain