2 Doonyood oo kalluumaysi ah oo lagu burburiyay xeebaha degmada Xaafuun

Maraakiibta jariifka ah ee sida sharci darada uga kaluumaysta xeebaha Puntland ayaa burburiyay laba doonyood oo nooca kalluumaysiga ah oo laga lahaa degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar.

Doonyahan ayaa la burburiyay xilli ay howlo kalluumaysi ka wadeen xeebaha deegaanka Hurdiyo oo ka tirsan degmada Xaafuun , sida ay sheegeen iskaashatada kalluumaysiga iyo maamulka degmada Xaafuun.

Doonyahan ayaa maamulka degmada Xaafuun uu ku' eedeeyey in laga leeyahay wadanka Iiraan, waxaana sidoo kale intaasi uu raaciyay gudoomiye kuxigeenka degmada Yuusuf Sanyare inay qaateen qalabkii iyo shaabigihii kalluumaysiga oo ay wateen kalluumaysatada deegaanka ka howlgala.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax talaabo ah oo ay qaadeen ciidamada badda Puntland oo ku' aadan kalluumaysatada Iiraan oo xeebaha degmada Xaafuun kusoo kordhaya sida uu xaqiijiyay gudoomiye kuxigeenka degmada Xaafuun.

BAARGAAL.NET
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain