Arday Deeq Waxbarsho ka heshay Dalka Yemen oo Muqdisho ka dhoofay maanta


Waxaa maantay ka ambabaxay magaalada Muqdisho Arday ku sii jeeda dalka Yemen oo nasiib u yeesheen in Jaamacado ay ka dhigtaan dalkaasi, ka dib markii imtixaanaad ay u galeen deeq waxbarsho oo ay Soomaaliya ka heshay Dowladda Yemen, iyadoo imtixaanaadkasi ardadan ay ka qaaday wasaaradda horumarinta adeega Bulshada Soomaaliyeed Agaasinkeeda Waxbarashada.

Agaasimaha agaasinka waxbarashada ee wasaaradda horumarinta Adeega Bulshada Prof Maxamed C/qaadir Nuur oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay ardayda maanta ka ambabaxday magaaladda muqdisho ee ku sii jeeda dalka yeman si waxbarahadooda uga sii wataan.

Agaasimuha ayaa sheegay in ardaydan ay dalka yemen ku soo dhaweeyn doonaan madaxda safaaradda soomaaliya ee dalka yeman,ardayda soomaaliyed ee wax ka barata dalkaasi kuwaasoo kaalin weyn ka qaadan doona sidii ardaydani loo kala geeyn lahaa gobollada ay ku yaalaan jaamacadaha ay wax ka baran doonaan.

Yemen ayaa waxay ka mid tahay dalalka Soomaaliya siiya deeqaha waxbarasho, iyadoo halkaasi ay ku nool yihiin boqolaal Soomaali ah oo wax ka barta jaamacadaha kala duwan ee dalkaasi

BAARGAAL.NET
EDUCATION NEWS
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain