Dawlada Belgium oo si xeeladaysan dalkeeda ku geysay madaxii Burcad badeedii Xaradheere afwayne ka dibna Xabsiga dhigtay


Dawlada Belgium ayaa xaqiijisay in ay dalkooda si xeeledeysan ku geeyeen madaxii Burcad-badeeda Xaradheere Maxamed Cabdi Xasan Afweyne iyo madaxweynihii hore ee maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiiceey ka dibna xabsiga u taxaabeen kuna soo oogeen denbi burcad badeednimo oo ay sheegeen in lagula kacay markab dalkaasi laga leeyahay sanadkii 2009kii oo la yiraahdo Pompei iyo shaqaalihii la socday.

Xeer ilaaliye ka tirsan dawlada dhexe ee dalka Belgium ayaa sheegay in Booliska dalkasi ay labadan eedeysane ay ku soo xero geliyeen in ay ka talo bixiyaan film laga sameynayo Burcad badeedka.

Dawlada Belguim ayaa sheegtay in ay madaxweynihii hore ee Ximin iyo xeeb Maxamed Aadan Tiiceey uu yahay nin la shaqeysan jiray Afweyne oo hore u afduubtay markab laga leeyahay dalka Belguim.

Afweyne ayaa horaantii sanadkan sheegay in uu hore u ahaa madxa Burcad badeeda xaruntoodu aheyd Xaradheere balse uu hawlihii burcadnimada ka waan toobay.

BAARGAAL.NET
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain