Faallo: Doorashada Puntland lacag yaan lagu galine caqli halagu galo


Waxaa inagu soo fooleh doorashadii baarlamanka cusub ee Puntland waxaana kuxigidoona doorashadii waynayd oo madaxwaynaha Puntland lagu dooran lahaa anago dhamaantayo ilaahay waydiisanayna inuu caafimad iyo badd qab nagu gaarsiyo nooguna dhacdo jawi wanaagsan oo lamid ah doorashadii hore oo kale.

Shacabka Puntland wuxu sugaya baarlaman cusub oo fahmi karaya miisaanka awoodeed oo uu leeyahay iyo cidda uu masuulka kayahay kaaso lajaanqaadi karaya wakhtiga casriga ah iyo isbadalada kadhacaya dunidaiyo hareeraheena. waxaa dhamaantayo aynu ka simanyahay inaynu baraare gaarno oo doorasho kadhacdo Puntland balse jidkii loo marilahaa ayaa lagu kala aragtiduwanaa in muddo ah kalafogaanshaha arigtida aan laysaga garaabin watii keentay in urur siyaasadeedki dalka lajoojiyo ayado aysan jirin cid isaga timid

mashaqadii dhacday iyo diidmadii xisbiyada iyo tixgalin la,aanti mucaaradka ay awal horey ogasii digayeen in dhibaato ay keenayso arimaha urur siyaasadeedka waxaana jirin cid isaga timid arimahaas hadii ay ahaan lahaayeen isimo mucaarad aqoonyahan iyo maamul toona madaxweynaha ayaa go,aan qaatay uu kujoojinayo doorashadi xisbiyada asago ogolaaday in doorashadu sidii hore wax loo dooran jirey ay udhacdo baarlamankana odayaal dhaqameedku soo xulaan.

waxaa shacabka Puntland marka uu doorashada kahadlayo aad maqlaysa ayago leh doorashada Puntland waxaa kuguulaysanaya ninkii lacag leh arintaas oo ah mid niyad jab ah islamarkaana aad kaga cabir qaadan karto dhibta ay leedahay doorasho aan xor ahayni oo ah ( one man one vote) maadaama kalsooni darro ay kaaga muuqanayso baarlaman la laaluushi karo oo beel ay ku keentay warhebel baan dab caruurtiisa ushidan karine meesha halageeyo waa ayaan darrada ay qoobka Kala bixiwayday Puntland .

Baarlamankan talada haya oo badankiisu noqday xisbigii Horseed badalkiisa shacabka Puntland maku kalsoonaan doonaan baarlamanka cusub oo aqoonta lagu soo xulayo ? Mucaaradka PL ayaan ahayn qolyo midaysan ninwalbana iskiis bu sharaxanyaha una ordaya asago shacabka PL jifidiisa kaliya moodaya oo kalsooni karaadinaya beeshiisa saansaan isbahaysi kama muuqato mucaaradka. Doorashadii hore ayey musharixiintu midaysnaayeen waxaana afhayeen ay kadhigteen madaxwaynaha hada talada haya C,rixmaan sh.maxamed sh.maxamud faroole maamulka faroole ayaa asna siyaadd cusub oo geesa leh wajahaya marka lakala diro baarlamanka qadiimka wuxuuna iskudayi doona sidii uu rucle ugu galilahaa barlamanka cusub una kasbanlahaa.

Talo kusocota Gudiga doorashooyinka iyo baarlamanka cusub

Gudiga doorashooyinka cusub Puntland waxaa laga doonaya inay baarlamanka sicadaalad ah u xulaan oo aysan dalka galin khalkhal siyaasadeed baarlamankana waxaa lagadoonaya wadatashiyo badan iyo hal mawqif oo midaysan inay kuwajahaan howlkasta oo soo wajahda muhiimada kowaadna kadhigtaan alle kacabsi iyo badbaadinta dadkooda iyo dalkooda kitaabka alle oo lagu dhaaranayo cidla dhicimayo walays waydiinaya xisaab ayaana kadanbaysa ogaadana sharafkiina haku badalinina thamanan qaliilan wax yaro caanatayna .

Talo kusocota Maamulka Iyo mucaaradka Maamulka Puntland

waxaa lagadoonaya inuu dulqaad dheeri ah muujiyo waayo waxaa saran masuuliyad aan saarnayn umadda kale iyo kuwa musharaxnimadoodu aysan wasiir doonis dhaafsiisnayn shacabkana magacooda ay doorashadan ugu horayso maaha inaan dhamaan musharaxiinta oo idil aan ulajeedo balse waa kuwa nagu cusub oo aan Puntland horey wax ugu qaban dabcan ragga ay kamidka yihiin Gaas Awaare faroole Iwm ayaga Cimrigooda allaha haraajiyo ayaan leeyahay dalku wuxuu galaya doorasho waxaana loo baahanyaha in wax walba lagasii gaashaanto oo wadatashiyo uu maamulku lafuro isimada aqoonyahanka dhalinyarada.

Gobolada iyo cidkasta oo ay qusayso danaha PuntlandDigniin

Shacabka Puntland wuxuu kadigaya in maamulka talada haya iyo musharaxiintu ay iskudayaan inay lacag doorashada u isticmaalaan islamarkaana waxay baarlamanka cusub iyo gudiga doorashooyinka ogadigayaan in wixii kayimaada oo cawaaqib xuma ah ay ayagu tunka uridandoonaan.sido kale shacabku wuxuu codsanaya in Culimada iyo hayadaha doorashooyinka lasocda sida Inter Peace Iyo qaramada midoobay ay Goobjoog ka ahaadaan Doorashada Puntland janauri 2014

Qore Maxamed Axmed busur

SHABAKADA BAARGAALNET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain