Golaha Wakiilada ee Puntland oo la kala direy


Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta hoolka shirarka ee Golaha Wakiilada Puntland kaga dhawaaqey in uu kala direy Xildhibaanadii Puntland ee beelaha Puntland dega iska soo xuleen.

Shirkii Maanta ee lagu kala direy Golaha Wakiilada ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Puntland, Qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Saraakiisha Ciidanka iyo marti sharaf kale oo badan.

Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa ka koban 66 Xildhibaan, in badan oo ka mid ah ay soo fadhiyeen Baarlamaanka 15 sano ee u danbeysey, kuwaas oo weli doonaya in ay mar kale soo noqdaan, Madaxweynaha Puntland ayaa isla maanta u sheegey in uu rajeynayo in badankood dib u soo laaban doonaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in caawa xaflad weyn la qaban doono taas oo uu ka jeedin doono khudbad dheer, isla markaana loo dabaaldegayo hawlihii badnaa ee Golaha Wakiiladu qabteen

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka deegaanda calbari
Developed by Jago Desain