Issimada Puntland oo ku baaqay in la soo xulo Xubno wax kala saari kara


(Baargaal.net) Issimada Puntland ayaa soo jeediyay in si taxadir ah loo soo xulo Xubnaha Golaha Wakiilada Puntland matali doona Shanta sano ee soo socota kuwaas oo lagu soo xulayo aqoontooda.

Waxay ku baaqeen issimada in Ergada loo xil saaray in ay soo xulaan ka taxadaraan oo soo xulaan xubno aqoon u leh howsha hortaala kana soo bixi kara sharuudaha looga baahan yahay.

Waxaa wali jira la tashiyo Ergada kula jiraan Beelaha qaarkood si howshaan loo soo gabagabeeyo waxaana jira guux badan oo ka imaanaya Beelaha qaarkood kuwaas oo ka biya diidan qaabka wax loo wado.

Xildhibaanada iminka ku jira Maamulka taladiisa dhamaadka tahay ayaa qudhooda guluf xoogan ugu jira in mar kale kursiga ku soo labtaan waxaa ayna kulama hoosaad ah iyo Xariiro joogta ah kula jiraan Beelaha qaarkood si arimahaa xal looga gaaro.

Nabadoonada Puntland ayaa isha ku haya sida xaalka noqo doono waxaana ka soconaya Magaalooyinka iyo Gobalada Puntlad xod xodashada ay wadaan Siyaasiinta doonaya in Maamulka soo socda ka soo dhax Muuqdaan.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka deegaanda calbari
Developed by Jago Desain