Posts

Nicolas Key Oo Garoowe Kula Kulmay Madaxweynaha Puntland


Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Soomaaliya Nicolas key iyo wefdi uu hogaaminayay ayaa madaxtooyada Garoowe waxaa kusoo dhaweeyey madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo xunbo ka tirsan golayasha maamulka.

Shir ay madaxtooyada ku yeesheen labada mas'uul kadib, waxay faah faahin ka bixiyeen arrimihii ay ka wadahadleen,

madaxweyne Faroole oo hadalka ku horreeyey waxa uu sheegay inay ka wada hadleen arrimaha Puntland oo ay ugu horreyso doorashooyinka oo wax badan ka wadahadleen sidii ay puntland uga dhici lahayd doorasho xalaal ah oo nabadgelyo ku dhacda.

Nicolas key oo dhankiisa hadlay waxa uu marka hore sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada uu garoowe ku tegay oo uu sheegay inuu yahay safarkiisii labaad tan iyo intii xilkaan loo magacaabay,

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Soomaaliya Nicolas key waxa uu sheegay inay ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka Puntland maadaama uu soo dhawaaday waqtigii la qaban lahaa doorashooyinka madaxtinimo ee maamulkaasi, iyo in ay si nabad gelyo ah u dhacdo doorashada, isagoo intaas ku daray in xafiiskiisu uu Soomaaliya ka taageero horumarka dowladnimada, amniga iyo arrimo kale.

Safarka Nicoles key uu ku tegey Garoowe ayaa kusoo beegmaya xilli la filayo in dhawaan ay deegaannada Maamulka Puntland ka billowdaan doorashooyinka madaxtinimo ee Puntland oo ay qabanqaabadeedu hadda socoto.

shabakada BaargaalNet
Garowe - puntland
Developed by Jago Desain