Beesha aadan c/raxmaan oo baaq ka soo saartay xubinta beesha u matalaysa barlamaanka cusub ee puntland


Ku : Waxgaradka Iyo Cuqaasha Beelaha aadan C/raxmaan Ku Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland
Ku : Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin
Ku : Guddiga ansixinta iyo khilaafaadka Doorashooyinka Puntland
Og : Dhamaan Isimada iyo Waxgaradka Puntland

Anaga oo Ah dadka magacyadoodu Hoos ku qoranyihiin oo ka kooban Nabadoono , samadoono , culamaaudiin , guurti iyo aqoonyahano kana mid ah beelaha aadan C/raxmaan , isla markaana ka wakiil ah kuna hadlaaya codka beesha waxaanu halkaan ka soo jeedinaynaa baaq aan ku Cadaynayno in xubinta barlamaanka Degmada Baargaal ee beesha u matalaysa barlamaanka cusuub ee Puntland ay ku jirto wali niqaash iyo gorfayn iyadoo hawshaasi si derder ah uga socoto deegaanka baargaal iyo boosaso.

Waxaan kaloo La socdsiinaynaa meelaha uu baaqani sida tooska ah iyo ogaysiintaba ugu socdo in aan waxba ka jirin wararka tibaaxaaya in xubintii beesha u matalilahayd barlamaanka cusub ee puntland la baxshay oo cid gaar ah la siiyay ama loo saxiixay,

Waxaan kaloo ka codsanaynaa dhamaan cidda baaqani ku socdo in xubinta beesha barlamaanka u matalaysa laga war sugo ilaa beeshu ay kawada gaarayso heshiis ciddii ay u dhiiban lahayd xilkaas , annagoo ku baaqayna in shir si dhaqso ah laysugu yimaado , waqtiga iyo meesha ugu haboon si loo gaaro heshiis dhamaystiran.

Baaqan Waxaa ku qoran oo Lagala Xiriiraayaa:
1. Caaqil Faatax Cali C/raxman Tell : 7796897
2. Suldaan Maxamed Takar Tell: 7613214
3. Nabadoon Warsame qabiilo Tell: 7664350
4. Nabadoon Warsame Ciise Axmed Tell: 7613172
5. Samadoon Cabdi Aadan Dumbuje Tell: 7767551
6. Samadoon Axmed Saalax Geeljecel Tell: 7733081
7. Samadoon Cismaan Xoolaside Tell: 7613118
8. Samadoon Maxamed Siciid Maxamed Tell: 7604462
9. Samadoon Abuukar Axmed yuusuf Tell: 7790700
10. Samadoon Warsame Maxamed Jaamac
11. Beeldaaje Xasan Maxamed yoote
12. Samadoon Dacar Maxamuud ciise
13. Samadoon C/raxmaan Saalax Majin
14. Samadoon Siciid Maxamed Kamas

15. Samadoon C/lle Axmed xaaji
16. Samadoon Cali Saalax Guray
17. Murwo Maryan Cabdi Axmed
18. Murwo sahro Muumin aadan
Developed by Jago Desain