Posts

Dadka ceyrta ka qaata Norway oo lagu qasbi doono in ay dhulka xaaqaan


Xisbiga FRP oo ka mid ah axsaabta isku biirtay ee ka talisa dalka Norway ayaa waxuu soo bandhigay qorshe ah in ay howlgaliyaan dadka aan shaqeyn ee lacagaha ceyrta ah ka qaata xafiiska shaqo baxinta iyo caawinada nolosha waxaana bajadkani uu yahay in subaxdi ay soo kacaan dadkaasi halka ay jiifkooda caaawinaad ku qaadan lahaayeen ayna qashinka ka aruuriyaan jidadka si ay ula mid noqdaan dadka shaqeeya ee nolol maalmeedka caadiga ah soo dhacsado.

Arrinkani ayaa lagu wadaa in laga bilaabo magaalada Oslo sidaasina ay ku baaqato lacagtii ay dowladda ku baxin laheyd nadaafadda taasoo hoos u dhigeysa lacag gaareysa 45 Milyan oo Krone-ka Norway oo lagu bixin jiray caawinaadda loo yaqaano socialka ama ceyrta ,

sidaasi waxaa yiri Carl I Haggen oo ka tirsan madaxda xisbigaasi FRP oo u warramay Idaacadda NRK.
Mas'uulkaan ayaa intaa raaciyay in ay dadkaani markii arrintaasi lasoo gudbaanaato oo ay subax walba kacaan ay bulshada wax weyn u qabanayaan maadaama ay qaar badan oo dadkaan ka mid ah ay ku fashilmeen in ay soo kacaan oo ay wax shaqo ah sameeyaan, laakiin ay tani noqoneyso xal wanaagsan oo sidoo kale kor u qaadaya magaalada oo bilicdeeda iyo dhaqdhaqaaqa shaqsiyaadka ceyrta qaadanayay mudada dheer.

Lama oga in bajatkani uu noqonayo mid guuleysta iyo inkale balse waxaa la ogyahay in xisbiga FRP uu aad farta ugu godo ajaanibta ama soo galootiga dalkan Norway iyagoo aad uga soo horjeeday siyaasadda soo dhaweynta dadka soo galootiga ah iyo waliba caawinaadda dadka aanan shaqeynin oo uu caan ku ahaa xisbigii talada laga qaaday ee Shaqaalaha ee AP

BAARGAAL.NET
NORWAY
Developed by Jago Desain