Dhageyso: Dr. cabdulaahi Maxamed Ciise ” Dhaqaalihii dadka dhiban loogu talagalay Garowe ma dhaafin, lamana gaarsiin Baargaal iyo Caluula ”

Deegaanada Puntland ayaa waxaa dhawaan saamayn ku yeeshay roobaab xoogan iyo dabaylo ku dhuftay dhulkaasi.

Xildhibaan Dr. cabdilaahi Maxamed Ciise (laasarooni) oo ka mid ah xubnaha deegaanka Baargaal iyo Caluula uga soo biiray baarlamaanka Soomaaliya ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta k24 ku sheegay inuusan wax gargaar degdeg ah uusan gaarin deegaanadaas.

Waxaana uu sheegay inaysan deegaankaasi wax gaaray iska daaye aan ilaa hadda la isku dayin in loo talaabo.

wuxuuna intaasi ku daray prof. c/laahi in Deegaanada laga bilaabo Eeyl,Beyla,Xaafuun,Dengorayo,Baargaal iyo Caluula ay yihiin inta ugu daran ay gaareen musiibooyinka rabaaniga".

Mar uu ka hadlayey sida dadka degan deegaanadaasi kala fog wax loo gaarsiiyey ayuu sheegay in" Garowe iyo wixii u dhaw ayaa wax la gaarsiiyey balse waxaa xaqiiqo ah dhulka oo kala fog dartiis in aan xitaa meelaha dhibka adeg ka jiro aan la gaarsiin gurmadkii loo baahnaa, gaar ahaan degmooyinka Baargaal iyo Caluula wax gaaray ma jiraan. Waase maqlay in hadda dad baaritaan kusoo sameynaya loo diray"
.
Waxa kale oo uu sheegay diktoorku in khasaaraha Baargaal iyo Caluula ee sida hordhaca ah loo hayo ay yihiin kuwa muujinaya calaamado xanuun badan una baahan fiira gaar ah.

Dr, Abdilaahi Maxamed Ciise ayaa intasi ku daray in Doorkiisa xildhibaanimo uu ku sheegay inuu u qeylo dhaaminayo dadkaasi sidii wax loo gaarsiin lahaa, islamarkaana uu la hadlay Puntland iyo dowlada Federaalka ah si dadkaasi wax loogu qabto, waxaase uu xaqiijiyey inlacagtii Puntland ay dowladu ugu yaboohday aysan gaarin balse hay'adaha kale la marsiin doono.

halkan hoose ka Dhagayso waraysiga k24 la yeelatay Dr. cabdilaahi Maxamed Ciise

http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/11/Dr.-Abdulaahi-Mohamed-Issa.mp3
Developed by Jago Desain