Magaalada Baargaal Ee Gobolka Gardafuu waxaa Ka Da'ay maalmihii Lasoo
Dhoofay Roob Xoogan Kaasi oo Hayey Magaalada Ilaa Shalay gelinkii Danbe.
roobkan oo da'ayay mudo afar maalmood oo isku bixis ah ayaa biyo badan
dhigay wadooyinka iyo xaafadaha magaalada baargaal taasi oo keentay in biyuhu guryo badan gudaha u galaan iyo Qaar kamida Guryaha Qadiimaga ah ee ku Yaalay Magaalada Baargaal oo Qaybo Kamida Ay Dumeen Kadib
Roobkaan Xoogan
bulshada baargaal oo gacan ka heshay maamulka degmada iyo ciidamada badda puntland ee ku sugan degmada ayaa iskaa wax u qabso isu xilsaartay sidii looga saari lahaa guryaha iyo wadooyinka biyaha fariistay.
shabakada baargaal.net