Posts

Roob mahiigaan ah oo ay ku Diirsadeen Dadka Iyo Duunyada Oo Ka da,ay magaalada baargaal

Jawiga Magaalada Baargaal ayaa maantay ahaa mid wax badan ka badalan
sidii hore iyadoo uu maanta Magaalada uu ka da'ayo roob mahiigaan ah
oo ay dadka iyo duunyadaba ku diirsadeen.

Waxaa maanta aad u yaraa dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka Magaalada
waxaana saameyn ku yeeshay roob xalay bilowday ilaa hadana kasocda
Magaalada.

Roobka ayaa biyo badan dhigay wadooyinka iyo balliyada Magaalada
iyadoona dadka iyo gaadiidka ay ku adagtahay in ay maraan wadooyinka
qaarkood oo biyo badani xireen

Waxaa Kaloo ilaa xalay Biyo Xoogan Maraayeen Togga Duuba , iyo sidoo
kale Biyo badani Ka soo Dhaceen qarka Moqor , Moorahante ,
Dhadhaablaho , qoryooleey , iyo meelo kale

Magaalada Baargaal ayaa in muddo ah uusan ka da'in wax roob ah iyadoo
saaka laga dheehan karay wajiyada bulshada ku dhaqan magaalada
Baargaal sida ay ugu faraxsanyihiin nimcada eebe keenay.

Maxamed ibrahim
Baargaal
Developed by Jago Desain