Talo soo jeedin ku Aadan Xulista Xildhibaanadda Goloha Shacabka ee Puntland


Sida la ogyahay waxaa bedertan loogu jiraa kamid noqoshada xubnaha Golaha Shacabka ee Puntland ( Parliamentary Team ) iyadoo aad meelo badan oo magaalada bosaaso ah sida Hoteladda waaweyn ku arkayso rag kooxo kooxo ah oo fooda iskula jira badankooduna ay ku xaragoonayaan cimaamado rishwaani ah oo garabka usaaran , koofiyado barawaani ah oo ay madaxa kusitaan iyagoo ku mardaadiyaya dhengad xardhan oo dheeh biro dahabi iyo qalin lagu qurxiyey wata , kuwasoo logu yeerayo nabadoonada iyo odayasha reer hebel.

Waxaa sidoo kale iyana horta kaga jira oo olaha wada rag damac iyo hunguriga siyaasadeed wado oo aad xiiq iyo xamaasada kadareemayso . ma ba,nee hadii tab ka roon taas oo golle shacaba ( Barlamaan) lagu helo lama waayine ladiidey waxaa dhibaato ah in mudo dhow iyo toban sanadood ah ay ku soo noqnoqdaan Golaha shacabka puntland qaar badan oo ay haboonaan lahayd in lagu bedelo kuwo katayo roon .

Waa araar intaasiye aan abaaro murtida aan doonayo inaan ka iraahdo erayo aan is leeyahay hadaad ujeediso akhyaar aaminsan inay ka arimiyaan aayatiinka ubadkooda wax ku ool bay u ahaan lahayd.

Hadaba odayaaal anigoo idin xusuusinaya murtida hoos ku xusan :.
1.Talaadaan la ruugin waa lagu rafaadaa
2.Talo adaa ku noole iyadu kuguma noola
3.intaadan falin kafiiirso
4.ninkii lawga isku dhufta isagaa udhutiya
5.ninba tacabkii taloy kamaal
6.nin hagraday dhulkiisii hilibkiisii buu cunay
iyo qaar kaloo badan oo aad wada taqaanniin . waxaan adeerayaal , awoowayaal , abtiyaal , ilma adeerayaal aan idin leeyahay waa MAANTA IYO MUSTAQBALKII UBADKIINA . ilaahay ha idin ku toosiyee . idinkaa laydin kasugayaa , ha fududaysanina ee ka fiirsada cidda aad uxulanaysaan xubnaha xildhibaanka golaha shacabka pl .

waxaan talo idiin kusoo jeedinyaa in halbeega aad ku cabiraysaan xulashada xubnaha baarlamaanku noqdo IKHLAAS qofka loo qaaadanayo ahaado :.

*.Qof aan dalka iyo dadka midna denbi kagelin, aqoona leh
*.Qof uu xanuujinayo xilka loo dhiibey
*.Qof xurmada naftiisu la weyn tahay
*.Qof alle ka cabsigu dabar u yahay
*.Qof geesi ah , codkarna ah
*.Qof muruu,a leh
*.Qof cadaalada usaaxiib ah
*.Qof qadarin u hayo gollaha uu ka mid noqonayo iyo golayaasha kale ee dawladdu ee uu wada shaqaynta la yeelan doono
*.Ha ahaado qof dowladnimada aaminsan oo qaranimada meteli kara
*.Qof buuxiyey shuruudii dawladda ee xubnaha golaha baarlamaanka lagu xulayey

Gabagabadii saaxiibayaal waxaan idin leeyahay waa muhiim inaad xusuusanaataan in ILAAHAY hortiisa iyo umadda horteeda wax layska waydiin doono masuuliyadda odoynimo. xussuusnaada in arintu ku iba,la ,dahay (SAAD UBEERATO BAAD UGOOSATAA )

Ugudanbayn: anigoo iidin haya qadarin iyo xurmo weyn iga gudooma salaan

wabilaa hi watfiiq

CABDI CARTAN MAXAMUD
tell: 00252590724008
bosaaso -somalia
Developed by Jago Desain