November 28, 2013

Xog Cusub: Liiska gollaha wasiirada ee muranka ka dhex abuuray Xasan Shiikh iyo Saacid Farax oo la helay Magacyada

Xog lagu kalsoon yahay oo laga helay xubno ku sugan Villa Somalia, ayaa Sheegaysa in khilaafka Xasan Sheekh iyo Saacid uu xoogiisa ka yimid isku shaandheenta Golaha Wasiirada ee Horey u ballan qaaday Ra'isul wasaare Saacid.

Madaxweynahe Xasan Sheekh iyo Ra'isul wasaare Saacid ayaa waxay isku maan dhaafsanaayeen sida layskugu afgaran lahaa qaabka loo dhigayo golaha wasiirada ee la doonayay in isku shaandheen lagu sameeyo taasoo khilaaf adag dhalisay.

Madaxweynaha iyo ra'isul wasaaraha waxa kaliya ay ka mideys-naayeen ama ay isku raacsanaayeen ayaa aheyd in golaha si siman beelaha loogu qeybiyo Ra'isul wasaare Saacid ayaa markii koowaad laga fujin waayay wasiirka arimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed isagoo aad u diidanaa in loo dhiibo C/Kariin Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka isagoo la jeclaaday Taas badalkeeda in loo magacaabo Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Laakiin Taas wuu Ku gacan seeray Madaxweynaha, waxaana ugu dambeyn soo kala dhex galay hogaamiyaha kooxda Damjadiid Faarax Sheekh C/Qaadir, ahna wasiiru dowlaha madaxtooyada, Kaasoo ku xaliyay C/kariin Xuseen Guuleed in uu Noqdo Wasiirka Arimaha Gudaha oo Kaliya Lana Abuuro Wasaarada Amniga Qaranka oo Shaqsi Kale loo Magacaabo Wayna kuwada Qanceen Waliba Shaqsi Heeb ahaan kasoo Jeeda Beel-weynta Hawiye.

Mar Labaad Ra'isul wasaare Saacid Ayaa ku adkeestay in Wasiirada Arimaha Dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Xilkeeda ay wayso Sabab la'aan- Ra'isul Wasaare Saacid Wuxuu Kaloo Ku adkeystay in aysan Soo Noqon 90% Golaha Wasiirada ee Hadda jira halka uu ka doorbiday in Golaha Wasiirada lagu soo biiriyo Wajiyo Cajiib ah oo uu ku tilmaamay Rugcadaayaal Siyaasadeed Laakiin laysku Mari Waayey.

Waa kuwaan Magacyada Liiska oo dhameystiran ee khilaafka Weyn ka dhexdhaliyay Madaxda Dowladda iyo Qabiiladooda:-

F.G:- Wasaaradaha aad layskugu heysto waxaa kamida kuwa Hal Qof kabadan ku Qoran
1- Ra'isul Wasaare Ku Xigeen 1aad Ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo
Xiriirka Caalamiga
*Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan (Dir/isaaq/Habar-Yoonis).
*Prof:C/raxmaan C/Qaadir –Waa Gudoomiye ku xigeenkii hore Xisbiga
Kulmiye ee Maamulka Somaliland ee Xilkiisa Jirdil Sharci daro iyo Xoog
looga Qaaday (Dir/isaaq/Habar-Yoonis).
*Axmed C/raxman Abaade Waa Wasiirkii hore Dekadaha ee Xukuumaddii TAYO
ee Farmaajo.
2- Ra'isul Wasaare Ku Xigeen 2aad Ahna Wasiirka Ganacsiga'Warshadaha
iyo Maalgashiga
*Aadan Saran-Soor Waa Xildhibaan Siyaasi Rug Cadaa ahna (Mirifle/Hadamo).
*Maxamuud Axmed Xasan Waa wasiirka Hadda Xilkaasi Wasaarada Haaya
(Mirifle/Hadamo).
*Shariif Xasan Sheekh Aadan Waa Siyaasi Rug Cadaa ah Wax Gad Gadiyana
(Mirifle/Asharaf)
3- Ra'isul Wasaare Ku Xigeen 3aad Ahna Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta
# Maxamuud Xasan Suleeymaan (Daarood/Majeerteen).
4- Wasiirka Garsoorka'Cadaalada'Diinta iyo AwQaafta
#C/laahi Abyan Nuur (Dir/Biyamaal).
5- Wasiirka Macdanta Biyaha'Tamarta iyo batroolka
# Maxamed C/laahi Oomaar (Dir/isaaq/Habar-Awal).
6- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
# Ducaalle Aadan Maxamed Waa Ag.Guud ee Wasaarada Caafimaadka Hadda ah
(Dir/Surre).
7- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Maamul Wanaaga
#C/Kariin Xuseen Guuleed (Hawiye/Habargidir/Sacad).
8- Wasiirka Kaluumeysiga'Kheyraadka badda' iyo Maamulka Dekadaha
#C/risaaq Cumar Maxamed Waa Wasiirka Hadda Xilkaa Hayo (Hawiye/Xawaadle).
9- Wasiirka Amniga Qaranka iyo Hub ka Dhigista
# Mustaf Dhuxukoow Waa Siyaasi Rug cadaa ah Xidhibaana ah (Hawiye/Murusade).
10- Wasiirka Waxbarashada'Hidaha iyo Tacliinta Sarre
*Abuukar Xasan Cali Hadda waa Wasir ku xigenka Maaliyada (Hawiye/Gaaljacel).
*C/wahaab nin magaciisa lagu soo koobay horeyna Dowladii Carta ee
C/qasim Wasiir ka Soo noqday Hadana ah Al-islaax – Damjadiid
(Hawiye/Gaaljacel).
11- Wasiirka Duulista'Hawada'Gaadiidka'Cirka iyo Dhulka
*C/laahi Ciilmooge Xirsi (Daarood/Absame/Ogaadeen).
12- Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta
*C/qaadir Sheekh ismaaciil Hadda Waa wasir ku xigenka Ganacsiga
(Daarood/Leelkase).
13- Wasiirka Warfaafinta'Wacyigalinta'Hanuuninta Dadweynaha'iyo Dhaqanka
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner