Posts

Aqoonyahan Axmed Yuusuf Muuse oo ahaa murashax Xildhibaan oo u Tanaasulay Murwo muxubo Cismaan Guuleed kuna baaqay in la doorto

Dr. axmed yuusuf muuse oo horay u ahaa murashax u taagan xildhibaanimada Baargaal ee Barlamaanka Cusub ee Puntland ayaa Shaaciyey inuu ka tanaasulay Murashaxnimadiisii isla markaana ku wareejiyey codkiisa musharax xildhibaan Murwo Muxubo Cismaan Guuleed

Dr. Axmed Yuusf Muuse oo warbaahinta qaar la hadlay ayaa sheegay in U arkay In ay Muhiim Tahay In uu ka Tanaasulo kadib Markii ay Isla Gorfeeyeen Odayaashay iyo waxgaradka Beeslaha aadan C/raxmaan isla markaana uu Ku Qancay In Murwo Muxubo hanan karto Xilkaas.

Dr. axmed Yuusuf ayaa intaasi ku daray in uu go'aankaas qaatay kadib markuu arkay barnaamajka waxqabad iyo horumarineed ay wado murwo muxubo cismaan , iyo yididiilaha ay muujisay intay dadlka ku sugnay asagoo murwo muxubo ku tilmaamay inay tahay shakhsi ay dhab ka tahay inay dadkeeda wax u qabato , gaar ahaan dhinac yada waxbarshada iyo caafimaadka.

Diktoorka ayaa sidoo kale intaasi kudaray inuu taageersanyahay doorka Haweenka iyo inay ka muuqdaan masraxa siyaasada puntland , asagoo baaq iyo codsi gaar ah u diraaya nabadoonada iy cuqaasha wali dib u guranaaya inay doortaan murwo muxubo oo matalaysa rabitaanka bulshada.

diktoorka ayaa si kulul u canbaareeyay baaqyada been abuurka ah oo ay dad dana gaar ah wata bggaga internetka qaar u direen asagoo ku tilmaamay dadka raba in nin 15 sano iyo sadex xukuumad oo kala duwanaa ku fadhiyay kursigaas inay shan sano oo danbe ku sii fadhiyo wuxuuna yiri asagoo taas ka hadlaaya

" shan sanaa sheegteene bil raali ugama nihin inuu sii fadhiyo , muxuu qabtay oo ku kasbaday arintaas , ha yimaado dalka haduu tolka wax ka rabo , intuu garoowe fadhiyo raali buu naga ahaanaayaa ".

soo xulitaanka Xubnaha Barlamaanka Puntland ayaa ku jirta maalmihii ugu danbaysay ayadoo wali xildhibaano badan eeysan beelaha qaar ku soo heshiin cidda u matali lahayd barlamaanka cusub ee puntland xildhibaanadaas oo door wayn ka ciyaari doona doorashada madaxtinimada ee sanadka soo socda horaantiisa ka dhici doonta Dawlada puntland

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain