Posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Xaruntooda Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ku yeeshay kalfadhi ay codka kalsoonida ugu qaadayeen Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dhowaan la magacaabay Dr C/wali Sheekh Axmed.

Kulanka saaka waxaa soo xaadiray Xildhibaano gaaraya 243-mudane, waxaana gudoominayay Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Jawaari Sheekh Cismaan. Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo Ra'iisul Wasaaraha si rasmi ah Baarlamaanka u horgeeyay ayaa khudbad uu ujeediyay Baarlamaanka kahor inta aysan codka u qaadin Ra''iisul Wasaaraha kaga codsaday in ay kalsoonida siiyaan si uu howsha usii ambaqaado isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey in uu wax badan ka qaban doono xaaladda dalka.

Ra'iisul Wasaare C/weli Sheekh oo isna ka hor hadlay Baarlamaanka ayaa ballan qaaday in Xukuumaddiisa wax badan ka qaban doonto xaaladda dalka isagoo si gaar ah usoo hadal qaaday la xisaabtanka Hay'addaha oo mudooyinkaan hareeyay musukh maasuq, dib u dhiska Ciidanka xooga iyo la dagaalanka Al-Shabaab. Intaas kadib ayaa la guda galay cod u qaadista Ra''iisul Wasaaraha cusub, waxaana ansixiyey 239-mudane halka labo mudane ay diideen, labo kalena ay ka aamuseen.

Waxaa sidaas codka kalsoonida ku helay Ra'iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed oo isla goobta lagu dhaariyey.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka codsaday Ra'iisul Wasaaraha in uu soo magacaabo Xukuumadiisa kahor 10-ka bisha January ee sanadka cusub oo la filaayo in Baarlamaanka xilligaas kadib ay fasax galaan.

Dastuuriyan, Ra'iisul Wasaaraha wuxuu haysta mudo bil in uu kusoo magacaabo Golihiisa Wasiirada,Waxaana iminka laga war sugaaya Wasiirka koowaad Xukuumadda cusub ee usoo dhisi doono iyadoo dhowaan la filaayo in xilka uu kala wareego Ra'iisul Wasaarihi hore ee Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain