Posts

Beesha Janbeel oo qaadacday xubinta beesha ee baarlamaanka cusub ee Puntland iyo beesha aadan c/raxmaan oo ku dabajirta

Beesha Cabdi Koombe (Jambeel) oo ka mid ah beelaha reer Puntland ayaa qaadacday xubinta beesha ee loo ansixiyay xubinimada baarlamaanka Puntland ee shanta sano ee inagu soo aadan, kadib markii xalay guddigii uu madaxwaynaha Puntland u magacaabay xalinta khilaafaadka iyo soo xulidda xildhibaanada uu shaaciyay liiska xildhibaanada Puntland ee 2014.

Shir ay yeesheen waxgaradka beesha ee ku sugan Puntland ayaa lagu eedeeyey Siciid Cali Maxamed oo toban sano oo hore soo hayay xubinta beesha Cabdi Koombe ee baarlamaanka Puntland uu samaystay qoraal been abuur oo aan sharciyeysnayn , kaasi oo uu ku been abuurtay issimka guud ee beesha Cabdi Koombe.

Siciid Cali Maxamed ayaa sidoo kale lagu eedeyey in wax la tashi ah uu la qaadan dadka talada ka go'do ee beesha oo ku sugan Bosaaso , isagoona aan marnaba ka tagin magaalada Garoowe.

Waxaana beesha horay guddiga xalinta khilaafaadka iyo soo xulidda xildhibaanada ugu soo saartay digniin ah inaan qaban waraaqaha xubinta baarlamaanka Puntland uu ku dalbanayo Siciid Cali Maxamed

waxaa iyana cabasho xoog leh muujiyay cuqaasha iyo wax garadka beesha aadan c/raxmaan oo qaar kamid ah khadka taleefanka nagula soo xiriireen kadib markii xalay guddigii uu madaxwaynaha Puntland u magacaabay xalinta khilaafaadka iyo soo xulidda xildhibaanada uu shaaciyay in uu dib u soo ceshay salaad xareed cali oo horay 15 sano ugu fadhiyay xubinimadaas asagoon wax wada tashi ah la sameen waxgaradka beesha aadan c/raxmaan ee ku sugan Baargaal iyo Bosaaso , isagoona sida Siciid Cali Maxamed aan marnaba ka tagin magaalada
Garoowe.
Developed by Jago Desain