Posts

Dad ku dhintay iyo qaar la il daran kidib Saliid Sumeysan oo ay isticmaaleen

Wararka inaga soo gaaraya duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa waxay sheegayaan inay halkaasi ku dhinteen labo qof halka ay la il daran yihiin Afar qof kadib markii dadkaasi isticmaaleen raashin lagu daray Saliid sumeysan.

Gudoomiyaha deegaanka Ceel Guula Cali Baashi Macalin Adan ayaa sheegay inay dadkaasi ku sumoobeen saliida Xayaat la yiraahdo.

Deegaanka Ceel Guula ee gobolka Mudug oo shilkaan uu ka dhacay ayaa waxa maamulkeedu sheegeen inay ku raad joogaan soo qabashada shakhsigii laga iibiyey saliida sumeysan.

Hore waxaa loo arki jiray dad kusumoobay caano ay cabeen iyadoo ay arintaan noqoneyso arin cusub oo aan horay udhici jirin

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain