Posts

Doorashada Puntland: Isimada Puntland oo go’aamo adag soo saaray

Isimada Puntland ayaa go'aamo la xiriira Doorashada Puntland ka soo saaray kulankoodii maalmahan uga socday magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Go'aamada ay isimadu soo saareen oo si faahfaahsan u qodobaysnaa ayaa waxaa ugu muhiimsanaa sadexdan qodob:-

1.Isimadu waxay isla qaateen in doorshada puntland ay dhacdo xilligii loogu talagalay ee 8-deeda janaayo sanadka 2014-ka aysana ka dib dhici doonin.

2.Isimada Puntland Waxay go'aamiyeen in aysan guddiga xalinta khilaafaadka iyo xulida xildhibaanada aysan shaacin Karin kuna dhawaaqi karin xubnaha golaha wakiilada ee cusub ilaa Isimadu ay ka turxaan bixinayaan waxyaabaha la isku haysto.

3.Waxay isimada Puntland u diyaaryihiin in ay xaliyaan wax walba oo la isku hayo, khilaafna uu ka jiro si doorasho xalaal ay wadanka uga dhacod.
Go'aamadan oo ay ku saxiixan yihiin Isimada Puntland ee kulankan goobjooga ka ahaa ayaa waxay muujinayeen dareenka feejigan ee hogaanka dhaqanka Puntland ay ka muujinayaan marxalada uu hada wadanku marayo iyo in doorashada la filayo ay wakhtigeedii ka dib dhacdo.

Bayaankan ayaa waxaa loo gudbiyay markii uu fadhiga Isimada ka soo baxay guddiga xalinta khilaafaadka iyo xullida xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland, waxaana ku saxiixnaa Inta badan Isimada soo jireenka ah ee Puntland.

BAARGAAL.NET
Doorashada puntland 2014
Developed by Jago Desain