Posts

Isimada Rasmiga ah ee Puntland oo kulan ku yeeshay Garoowe iyo Danjire Kay oo khadka isgaarsiinta kula soo hadlay

Kulan ay goob joog ka ahaayeen Isimada soo jireenka ah ee Puntland uuna Shir gudoominayay Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta wuxuu ka furmay Magaalada Garowe.

arimaha horyaal shirka ayaa waxaa ugu muhiimsan Doorashada Puntland iyo doorka ay Isimadu ku leeyihiin iyo sidii loo abaabulilahaa in dhamaan Isimadii wada aasaasey Puntland ay ugasoo qayb gali lahayeen Doorashada.

Waxaa lagu wadaa in kulanka isimada uu sii socdo maalmaha fooda nagu soo haya, isla markaasna ay soo magacaaban guddi marjac u noqda guddiga khilaafka, waxaana baryahaanba la hadal hayay kulankan Isimada,waxuuna noqonayaa kulankii ugu balaarnaa ee ay yeeshaan isimada rasmiga ah ee Puntland.

Isimadii goobta fadhiday waxaa kamid ahaa Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Suldaan Maxamed Ahmed Burtinle,Boqor Burhaan, Suldaan Siciid Cabdi Salaan iyo isimo kale oo caan ah

Baargaal.net
isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain