Posts

Khilaafka Isimada Puntland oo Cirka gaaray & Labo bayaan oo la soo kala saaray

Xubno Kamid Ah isimada Reer Puntland oo aan shalay ka qeyb galin kulan ay isimo Badan oo Kamid Ahaa Boqorka Beelaha Daarood Ay kasoo saareen Qodobo, ayaa maanta kulan ku qaatay magaalada Garoowe.

Kulankaan ayaa waxa uu ka dhacay guriga islaam ciise islaam waxaana ku sugnaa isimo Dhowr Ah, waxaana Gaashaanka Looga Duruuray Qodobadii Shirkii Shalay. Kulankooda isimadan waxa ay ku falan qeeyeen arimaha doorashada iyo shaqada gudiga uu magacabay madaxweyne Faroole iyagoo ugaga mahadceliyay musharaxiinta Puntland tanaasulkii ay u sameeyen madaxweynaha.

Waxay kulankooda ka soo saareen isimadan qodobo ka badan kuwii shalay ka soo baxay kulankii isimada qaarkood ay ku yeesheen magaalada Garoowe, waxaana ku jira qodobo beeninaya kuwii shalay soo baxay.

Qodobada la xusi karo ee ku jira bayaanka isimadan maanta kulmay ayaa waxaa ka mid ah in gudiga xalinta khilaafaadka iyo soo xulista baarlamanka Puntland uu u madaxbanaan yahay howlihiisa shaqo islamarkaana uu shaacin karo waqti alaala waqtigiii ay soo dhamaato xulistooda xildhibaanada baarlamanka Cusub.

shabakada baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain