Posts

Magacyada iyo qabiilada ay ka soo jeedaan Wasiirada Jubbaland

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa wareegto ku soo saarey qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Kulankii lagu shaaciyey magacyada ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadley Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubba Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag), waxaana uu sheegey in ay muddo dheer qaadatey dhismaha maamulkaas, taasna ay sababtey wadatashi lala sameynaayey beelaha dega Jubbooyinka.

Afhayeenka maamulka Jubba Cabdinaasir Seeraar ayaa saxaafadda u akhriyey Wasiiro gaaraya 9. Hoos ka akhri:

1- Madaxweyne ku Xigeenka 2aad Jubba-land –Suldaan C/qadir
Maxamed''Lugadheere(Hawiye/Shiikhaal).
2- Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha-Axmed C/Xafiid Maxamed(Digil
iyo Mirifle/Dabarre ).
3- Wasiirka Beeraha'Xoolaha & Kalluumeysiga-Prof-Maxamed Aadan
Jaamac(Daarood/Mariixaan Habar Ciise
4- Wasiirka Arrimaha Bulshada-Macalin Maxamed ibraahim
Maxamuud(Daarood/Ogaadeen-Coolyahan ).
5- Wasiirka Caafimaadka & Fayo-Dhowrka-Xasan Daahir
Yaroow(Daarood/Mariixaan Rer Xasan).
6- Wasiirka Qorsheynta & Xidhiidhka Caalamiga-Maxamed Nuur iftiin
:Shambaro''(jareer Weyne ).
7- Wasiirka Arrimaha Gudaha Amniga-Maxamed Warsame
Faaraxarwiish''(Daarood/Majeerteen-Bicidyahan).
8- Wasiirka Maaliyadda-Maxamed Sh. Yuusuf Cumar(Coor-Male ).
9-Wasiirka Macdanta'Biyaha iyo Bey'adda-Cabdinuur Cali Aadan( Hawiye/Gaaljacel)
Developed by Jago Desain