Murashixiinta oo si rasmi ah u shaaciyey iney aqbaleen Gudiga Doorashada ee Madaxweynuhu magacaabey

Murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa aqbalay Guddiga xalinta khilaafaadka iyo diiwaangelinta Xildhibaanada oo uu horey u magacaabay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Go'aankan ayaa saaka la shaaciyey kadib wadahadalo dheer oo todobaadyadii lasoo dhaafay u socday murashaxiinta iyo qaar kamid ah Issimada gobalada Puntland.

Hadaba Waxay Murashixiintu daaha ka qaadeen in ay aqbaleen Gudigii Khilaafaadka, lakiin marjaca loo noqonayo waa inuu noqdaa Gudi ka kooban Isimada soo jireenka ah, gudigaasna waa in Isimadu iska soo dhex xulaan.

Sidoo kalena waa in aysan Gudigu ansixin Xildhibaan aan ogolaansho ka wadan Isinka soo jireenka ah ee Beeshiisa.

waxaana hada la filayaa in liiska 66 xildhibaan la soo dhejin doono 48 saac gudohood.

wixii faahfaahin ah oo intaasi dheer isha ku hay
shabakada baargaal.net
Developed by Jago Desain