Posts

Nicholas Kay: Waa In Tanaasul Laga Sameeyo Dooda Siyaaseed Ee Maamulka Puntland

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa mar kale ku baaqay in laga helo Puntland geeddi-socod siyaasadeed oo waqtiyeysan, islamarkaana lagu kalsoonaan karo, una hogaami kara maamulkaas in la helo baarlamaan cusub iyo doorashooyinka madaxweynaha 8-da January 2014 .

"Iyadoo ay soo dhawaaneyso doorashada, islamarkaana dooda siyaasadeed sii kululaaneyso ayaan ugu baaqayaaa dhamaan musharraxiinta iyo dadaka arrimahaas ku lugta leh sida duubabka dhaqanka iney ku dadaalaan in la sameeyo tanaaasulaad" ayuu yiri Mr. Kay oo xafiiskiisa laga soo saaray bayaaan saxaafadeed.

Nicholas Kay ayaa sheegay in UNSOM taageertay dadaalo dhexdhexaadin oo xaaladda lagu qaaboojinayo, islamarkaana uu rajeynayo iney dhacdo doorahso la isku haleyn karo.

"UNSOM waxey taageertay dadaalka dhexdhexaadinta iyo wada tashiga, waxaana ku rajo weynahay in musharaxiinta oo dhan ay ka go'an tahay in si nabad ah oo lagu kalsoonaan karo doorashadu ku dhacdo" ayuu sidoo kale yiri Danjire Kay.

Danjire Kay ayaa ku boorriyey dhamaan daneeyayaasha si buuxda ula shaqayaan Taliyaha Darwiishta Puntland, General Said Mohamed Hersi Dheere, oo masuul ka ah amaanka doorashada.

Kay ayaa dhanka kale musharraxiinta ugu baaqay inay u ololeeyaan qaab masuuliyad oo nabad ah, asagoo dhanka kale maamulka hadda jira u keediyey in musharaxiinta madaxweynaha oo dhan in loo xaqiijiyo xoriyada dhaqdhaqaaqa, kulamada ay bulshada la yeelanayaan, ammaankooda, iyo iney si la mid ah maamulka warbaahinta ugu gudubsan karaan ololohaada.

"Waxaan sii wadi doonaa inaan si dhow ula socodo dhacdooyinka, waxaana dadaal kasta ku bixin doonaa sidii Puntland ku gaari laheyd nimaad ku saleysan hab cadaaladeed oo loo dhan yahay" ayuu sidoo kale yiri Mr. Kay.
8-da bisha Janaayo ee soo socota ayaaa la filayaa iney magaalada Garowe ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaana hadda magaaladaas ku sugan inta badan musharraxiinta.

Baargaal.net
isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain