Posts

Ninkii ugu horeeyay oo Wadno Macmal ah lagu rakibay

Dhaqaatiir u dhalatay Wadanka Faransiiska, ayaa markii ugu horeeysay ku guuleystay ineey Wadno macmal ah ku rakibaan Nin, iyagoo aan u baahan ineey adeegsadaan Wadno kale oo Caadi ah.Dhaqaatiirtan u dhalatay Faransiiska, ayaa Nin mudo xanuunsanayay ka badalay Wadnihiisa iyagoona ku rakibay Wadno kaloo macmil ah oo ay iyaga sameeyeen.

"Bukaanka xaaladiisa Caafimaad waa mid soo hagaageysa maalinba maalinka ka danbeysa, waxa uu noo sheegay inuu dareemayo Caafimaad" sidaa waxaa yiri dhaqtarkii Bukaankan ku rakibay Wadnaha Macmalka ah.

Qaliinkaan Wadnaha Macmalka ah loogu rakibay bukaankaan oo qaatay in ka badan 10 saac, ayaa waxaa ka qeyb qaatay ilaa 16 dhaqtar, waxaana Qaliinkooda uu kusoo dhamaaday Guul. Qaliinkaan ay ku guuleysteen dhaqaatiirta Faransiiska, ayaa noqon doona Qaliinkii ugu horeeyay Dunida ee qof nool lagu rakibo Wadno Macmal ah, waxaana horay u dhici jirtay in qofka loo Galiyo Wadno kaloo Bini'aadan, lakin tan waa mid ku cusub dunidan aan ku noolnahay.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain