Posts

Qaramada Midoobe oo soo jeedisay in la baaro cidda dishay Xildhibaan Maxamed Warsame faysal

Qaramada Midoobe, ayaa waxay Dowladda Soomaaliya ugu baaqday in la baaro kuwii ka dambeeyay dilka Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed, oo loo yaqaano Faysal.

Ergaga Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa wuxuu marka hore uu si kulul uu u cambaareeyay dilka Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed.

Ergaga, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay ilaalinta Xildhibaanada Baarlamaanka iyo in Cadaalada lahor keeno, kuwa waxyeeleynaaya Xildhibaanada Baarlamaanka. Wuxuu sheegay in Soomaalida ay xilligan u baahan tahay mustaqbal wanaagsan, taasoo ay door muhiim ah ka cayaarayaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Danjire Nicholas Kay, ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo Baarlamaanka Somaliya, oo uu ka baxay Xildhibaanka.

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain