Wariye caana oo sheeko qosol badan ku cabiray siyaasada Somalia iyo rajada Qaranimada

Wariye caana oo sheeko qosol badan ku cabiray siyaasada Somalia iyo rajada Qaranimada
Nin baa in mudo ah muraad lahaa, wuxuu laabta ka jeclaa inuu muraadkiisa dhaqso ku gaaro. maalin maalmaha kamid ah ayuu muraadkiisa u sheegtay wadaad qur'aanka dadka saara. wuxuuna yiri shiikhoow in mudo ah muraad baan lahaa walina waan leeyahay ee qur'aan isaar iina ducee.

Wadaadki baa yiri muxuu yahay muraadkaagu ?

Ninki muraadka lahaa baa ku jawaabay waxaan ahayn nin 40 ki kor u dhaafay walina ilmo malihi, marka iigu ducee in ilaah ilmo isiiyo.

Wadaadka baa qur'aan iyo duco afka furtay marki uu ku dhameeyay buuyiri insha alaah ilmo waad heleysaa ee sannadka dambe xiligaan oo kale igu soo laabo.
Ninki baa sannad kadib wadaadki u yimid wuxuuna yiri Shiikhow wali ilmo ma hellin.
Shiikhi baa yiri iska sabar, mar kale ayuu qur'aan saaray wuuna u duceeyay sannad kale ayayna balameen.
Sannadki marki lagaaray ayuu ninki mar kale Shiikhi ku soo laabtay, markaasuu yiri shiikhow wali ilmo mahaayo.

Shiikhi baa is yiri malaha ninka kaliya ma'ahan in qur'aanka la saaree waa in xaaskiisana la saaraa.
Shiikhi baa yiri xaaskaaga bal iyadana aan qur'aan saaree bari ma ii keeni kartaa ?
Ninki muraadka lahaa baa yiri Shiikhow xaas maba lihi oo wali ma guursan !
Shiikhi baa ku jawaabay oo ilmaha seed rabtay inaad ku hesho ?
Ninki ilmaha raadinayay baa ku jawaabay " Yaa og hee !

Waxaan uga socdaa kuligeen ma moodaa inaan raadineyno qaranimo iyo cadaalad loo simanyahay.
hadana aan rabno inaan ku gaaro 4.5 iwm. Nin qabiil lagu soo xulay ee aan wax kale uga hooseyn malaga fili karaa in uu qabiilkiisa iyo Soomaalidu u sinaadaan ? dabcan waa maya.

Walaahi xalku ma dhawa inta qaranimo laga raadinayo inuu dhiso nin qabiil kuyimid, qabyaaladuna dastuur noo tahay.

Waxaa qoray Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi

Developed by Jago Desain