Beelo Si Weyn Uga Soo Hor Jeestay Gollaha Wasiirada Cusub Ee Puntland Kadib Mudnaan La'aan Ku Dhacday

Xilli maalinimadii shalay ahayd uu madaxweynaha maamulka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas uu soo magaacabay gollihiisa wasiirada ayaa waxaa arintaasi ka hadlay isla markaasna cabasho iyo banaan baxyo ka sameeyeey qaar kamid ah beelaha degga deegaano ka tirsan gobolka Bari.

Banaanbax aad u balaaran oo maanta ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari odayaasha, waxgaradka iyo dhalinyarada beelaha Cali Jabraahiil iyo Sawaakhroon gudaha magaaladaasi ayaa waxa ay kaga cabanayeen waxa ay ugu yeereen takoor iyo mudnaan la'aan uga timi madaxweynaha maamulka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Banaanbaxan oo ahaa mid balaaran ayaa waxay ku dhawaaqayeen dad weynihii kasoo qayb galay hadalo lidi ku ah xukuumadda cusub ee maamulka Puntland iyo madaxweynaha maamulkaasi Dr. Gaas, iyagoona sheegay in uu kasoo magacaabay beelahaasi mas'uuliyiin aan ku haboonayn xilal aysan u qalmin.

Qaar kamid ah dhalinyaradii iyo odayaasha maanta banaan baxani soo qaban qaabiyey oo warbaahinta la hadlay ayaa si kuluul u dhaliilay xukuumadda cusub ee madaxweyne Gaas.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari
Developed by Jago Desain