Posts

Burcad Badeedda Soomaalida Oo Xoog Looga Sii Daayey Doon Iyo Shaqaale Reer Hindiya Ah

Ciidamada badda Faransiiska ee ka mid ah ciidamada la dagaallanka burcad badeedda Soomaalida oo kaabayaan diyaarado dagaal oo Japan leedahay ayaa ku guuleystay in ay soo badbaadiyaan muwaadinin u dhashay dalka Hindiya iyo doontii ay wateen oo gacanta ugu jiray kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.

Shaqaalaha reer Hiniyda ee ay badbaadiyeen ciidamada badda Faransiiska ayaa gaaraya 11-qof, waxaana lagu haystay dooni nooca ganacsiga oo ay burcad badeeda ku haysteen biyaha gacanka Cadmeed.

Kooxda burcad badeedda ah ee heysatay doonta iyo shaqaalaha reer Hindiya ayaa doonta la heystay u adeegsan jiray weerarada ay ku qaadaan maraakiibta waaweyn ee aaga maraya, si ay u afduubtaan.

Sida ay sheegeen Saraakiisha hogaaminaaya howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda, howlgalka lagu badbaadiyey shaqaalaha iyo doonta ay wateen ayaa waxaa iska kaashaday markab dagaal oo ay iska leeyihin ciidamada Badda Faransiiska iyo diyaarad ay iska leeyihin Ciidanka Japan.

11-qof ee shaqaalaha reer Hindiya ah ayaa la filaaya in maalmaha soo socda ay dib ula midoobaan qoysaskooda kadib muddo ay ku jireen gacanta burcad badeedda Soomaalida.

5 xubnood oo ka mid burcadbadeedii heysatay doonta ayaa isu dhiibay Ciidanka Kumaandooska Faransiiska, waxaana lagu hayaa hayaa dusha markab Faransiisku leeyahay oo su'aalo lagu weydiinayo.

Weerarada ay geysnanayaan burcad badeedda Soomaalida ayaa hoos u dhac weyn ku socday tan iyo sanadkii 2012.

BAARGAAL.NET
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain