Dr. C/wali Gaas: xildhibaanow ha noqonina dad caasimadda kaliya fadhiya ee waa inaad ka warqabtaan halkii la idinka soo doortey

Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr.Cabdiweli Cali Gaas ayaa khudbad ka jeediyey baarlamaanka ,asagoo sheegay in ay farxad u tahay in uu goob joog ka yahay fadhiga Baarlamaanka ee xilka uu si toos ah ula wareegey Guddoomiyaha cusub.

Dr.Cabdiweli maxamed cali gaas Madaxweynaha Puntland ayaa soo dhaweeyey guddoonka cusub, waxaana uu mahadiyey kii hore, isaga oo ballan qaadey in wada shaqeyn dhaw ay yeelan doonaan baarlamaanka iyo xukuumaddu.

Madaxweyne Cabdiweli maxamed cali gaas ayaa ballan qaadey in uu ku dedaalayo in wada shaqeyn ilaalineysa shaqadooda isla markaana xadeyneysa Madaxbanaanida Baarlamaanka uu la samayn doono Xildhibaanada.

Madaxweynaha ayaa siiyey Xildhibaanada awood wada tashi dhismaha xukuumadda si wada shaqeyntu u wanaagsanaato. "Cid jeebka iigu jirta ama dano gaar ah saaxiibtinimo naga dhexeyso shaqqo xukumaada kama siinayo, haddii aanu wadatashi ku imaan". ayuu yiri Dr.Cabdiweli Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha ayaa ka hadley in Xildhibaanada laga doonayo in ay ka warqabaan dadkii ay metalayaan, dib ugu labtaan xukuumadduna u fududeyn karto arrimahaas, ha noqonina dad caasimadda kaliya fadhiya ee waa in aad ka warqabtaan halkii la idinka soo doortey. ayuu yiri Dr.Gaas.

Madaxweynaha ayaa ballan qaadey in ay ka warqabayaan Xildhibaanaddii la diley iyaga oo shaqadooda gudanaya ehelkoodi, waa waajib dastuuri ah yuu yiri.

shabakada baargaal.net
Developed by Jago Desain